Waxaan horey idin kula wadaagnay Superstar Aamir Khan wiilkiisa Junaid Khan inuu Bollywood-ka kusoo biirayo sidoo kalena shirkada Yash Raj Films filimkiisa kowaad u maal galin doonto haatana waxaa la ogaaday atirishada Aamir wiilkiisa mashruuciisa kowaad la sameyn doonto madaama filimkan dhawaan shaqadiisa bilaabaneyso.

Shalini Pandey oo ku caan baxday sameyntii filimkii Blockbuster ka weyn noqday Arjun Reddy ayaa atirisho kowaad ka noqoneyso Junaid Khan filimkiisa kowaad. Atirishadan heshiis 3-filim u sameeneyso shirkada YRF ayay kula jirtaa madaama ay Bollywood-ka iyaga kusoo dareen kuna soo caan bixinayaan filimka Jayeshbhai Jordaar ee Ranveer Singh hogaamiye ka yahay sidaa darteed filimkeeda labaad shirkadan iska leedahay Junaid Khan ayay la sameeneysaa.

Junaid Khan filimkiisa kowaad waxaa Director ka ah Siddharth Malhotra sidoo kalena shaqadiisa waxay bilaaban doontaa horaanta sanadka cusub si dabyaaqada sanadka dambe loo daawado sidoo kalena waxaa la isla dhex maraa atirishada lagu magacaabo Sharvari Wagh oo filimka Baunty Aur Babli 2 shirkada YRF kusoo caan bixinayaan inay door muhiim ah mashruucan ku yeelan doonto taasi oo ka dhigan in Junaid filimkiisa kowaad labo atirisho la sameyn doonaan.

Junaid Khan waa 27-jir waxaa lagu xasuustaa sanadii 2014 inuu Director caawiye ka noqday filimkii PK ee aabihiis hogaamiye ka ahaa kaasi oo All Time Blockbuster noqday haatana si toos ah ayuu Bollywood-ka ugu soo biiray asigoo filimkiisa kowaad hogaamiye ka noqon doono shirkada weyn YRF ayaa qaadatay masuuliyada soo caan bixinta wiilkan Aamir Khan aabaha u yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here