Home » Nolosha Jilaayaasha » Aamir Khan Wuu Na Gaaday Filmka Raja Hindustani Dhalo Caadi Cabitaan Ah Ayuu Qamri Inooga Dhigay Asigoo Nin Cabsan Iska Dhigay!!

Aamir Khan Wuu Na Gaaday Filmka Raja Hindustani Dhalo Caadi Cabitaan Ah Ayuu Qamri Inooga Dhigay Asigoo Nin Cabsan Iska Dhigay!!

Marka aad uwaceyso Super Star Aamir Khan waxaa kugu waajib ah inaa magaciisa ka hor mariso ama ka daba mariso magaca Mr.Prefectionst waayo waa aabaha iskoor sameynta India.

Aamir waa mid kamid ah xidigaha ugu guulaha badan India sido kalena qaab jiliinkiisa cajiib ah waa mid waliged la xasuusan doono jiil kajiil.

Waxaan idiin heynaa sheeko uu hada kahor ka sheekeyay Aamir xili uu wareysi bixinaayey waxaana wax laga weydiyay aflaamta uu ku matalo qamriga beenta ah isagana dhigo nin cabsan ama qamri cabaayo.

Qaasatanfilmkiisa Classic ah ee Raja Hindustani ayaa laga weydiyay wax xili uu xaflada dhexdeeda dhalo qamri ah ku cabaayo uuna u xanaaqsanyahay Karisma Kapoor.

Aamir oo arinkaan ka shekeynaayo wuxuu yiri,” Xaqiiq ahaan muuqaalkaas inta aanan duubin kahor dhowr jeer ayaan la hadlay Directorka anigoo u sheegay in aanan iska dhigi karin nin cabsan qibradaasna lahen.”

“Balse waa la iga diiday ugu dambeyn waxaan soo qaatay dhaladii cabitaanka kujiray oo qamri loo ekeeysiiyay anigoo wada cabay waxaana guda galay inaan matalo nin cabsan hadana xanaaqsan.”

“Inta aan muqaalkaas duubaayey waxaa aniga nafsad ahaan islahaa kama baxsan doontid muuqaalkaan oo dhaliil xoogan ayaa kuudambeysa balse markii muuqaalkii dhamaaday aad iyo aad ayaa laiigu sacbiyay anigoo sidii larabay si kasii fiican u matalay.”

Akhristoow hadii aad daawatay filmka Raja Hindustani qaasatana aad aragtay Aamir oo dhalo qamri ah cabaayo ogow waxaasi qamri ma aha ee waa cabitaan iska caadi ah balse loo ekeysiiyay qamri.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *