Maanta oo kale 11 November 1996 waxaa la daawaday Filimka jaceylka ah ee Raja Hindustani oo noqday All Timr Blockbuster iyo Filimka sanadkaa lacagaha ugu badan Box-office-ka kasoo xareeyay waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Aamir Khan iyo Karisma Kapoor. Maadama sanad guuradiisa 23-aad maanta ku beegned xiliga la daawaday waxaan kasoo diyaarinaya xaqiiqooyin u gaar ah mashruucan hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Shumiska Bishimaha ee Aamir Khan iyo Karisma Kapoor Filimkaan ku wadaagen waxuu noqday midka waqtiga ugu dheer atoore iyo atiriisho shaashad mudadaas dhan isku shumiyaan.

Xaqiiqada 2-aad: Aishwarya Rai oo xiliyadaas kudhow noqotay gabadha dunida ugu quruxda badan ayaa loo bandhigay Filimkaan inee atiriisho ka noqoto balse Aish wey iska diiday maadama xiiso Bollywood waqtiga kujirin gadaal dambe ayeese ka qoomameysay doorka Classic-da ay iska diiday.

Xaqiiqada 3-aad: Kahor Aishwarya Director Dharmesh Darshan waxuu u bandhigay Juhi Chawla laakiin xidigtaan wey diiday maadama iyada iyo Aamir xurguf ka dhaxeysay inkastoo Ishq markii dambe wada sameyeen hadana si dhib leh ayee ku duubeen oo markale ayee isku dagaaleen filimkaas dhexdiisa.

Xaqiiqada 4-aad: Aamir Khan ayaa ku qaatay Filimkaan abaal marinta Filimfare qeybta atooraha ugu wanaagsan mudo 7 sano xiriir ah ayuuna u tartamaayey biladaan markii 8-aad ayuu ku guulestay sido kale Karisma Kapoor ayaana si lamid ah abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan ee Filimfare ku qaadatay doorkeeda Classic-da ah markii ugu horeysay waayaheda fanka.

Xaqiiqada 5-aad: Juhi iyo Aish markee iska diideen Filimkaan Director Dharmesh waxuu damcay inuu Pooja Bhatt la saxiixdo oo Aamir la sameyso Filimkaan balse Aamir ayaa diiday maadama isaga iyo Pooja dagaal ka dhaxeeyay waxuuna Director-ka kala dooransiiyay ama in Pooja uu iska dhaafo atiriisho kale keensado ama inuu isaga isaga bixi doono mashruucan gabi ahaanba sidaas ayuuna Karisma Kapoor si deg deg ah kula saxiixday Director-kaan Filimkaan maadama Aamir uu ugu talo galay guud ahaan Raja Hindustani amarkiisa si deg deg ayuu ku fuliyay.

Xaqiiqada 6-aad: Aamir ayaa mar go’aansaday inuu Filimkaan iska dhaafo sameyntiisa sababto ah doorkiisa iyo midka atiriishada waa siman yihiin oo sheekada waxaa loogu kala qeybiyay min 50% door ahaan sidaa aawged Aamir waa qof aragti fog wuxuu oa baqay in atiriishada doorkeeda ka saameyn badnaato sida horey udhacday dhowr jeer laakiin Dharmesh Darshan ayaa mudo badan daba socday oo tuug tuugay sidaas ayuuna ku ogolaaday Superstar-kan.

Xaqiiqada 7-aad: Markii la daawaday Raja Hindustani daawadayaasha oo dhan waxay ka heleen doorka Karisma Kapoor iyo bandhigeeda taariikhiga ah ee shaashada waxayna u bixiyeen ” Rani Hindustani” booskii Raja Hindustani ayaana laga bedelay hadal heys ayeena ka dhigteen midaas Aamir Khan ayee ka careysiisay waxaana la sheegay inuu ka maseeray in Karisma Kapoor ka saameyn badnaato waana waxuu ka cabsanaayey markii hore.

Xaqiiqada 8-aad: Aamir Khan waxaa loo bixiyay Prefectionist kadib markii laga helay sida uu ujilay muuqaalka dhalada qamriga Fake ah uu cabaayo isagoo cabitaan cabay ayuu u jilay sida nin saqraansan waa lala yaabay qaab jiliinkaas Mr.Prefectionist magaca ah xiligaas ayee Aamir kusoo bilaawatay sido kale heesaha Filimkaan dhamaan waa wada Blockbuster Album ahaan.

Dhamaad…

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here