Aan Sii Wadno Tartanka Waa Fariinta Bobby Deol Uu U Diray Salman Khan Iyo Jacqueline Fernandez

Waxaa maalin ka hor idinla wadaagnay in Bobby Deol lagu soo daray mashruuca weyn ee Race 3 oo hogaamiyaha ka yahay Super Star Salman Khan.

Sida maal giliyaha Race 3 Ramesh Taurani  uu sheegay Bobby Deol ayaa race 3 kusoo bandhigi doona xarako dheeraad iyo Action-mo halis ah asigoo laga siiyay door muhiim ah.

Hadabba Bobby Deol ayaa fariin u diray Salman Khan iyo Jacqueline Fernandez asigoo baraha bushada kusoo qoray aan sii wadno tartanka aad ayaana ugu faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo kooxda Race 3.

Race 3 ilaa haatan waxaa shaaca laga qaaday inay wada sameyn doonan Salman Khan Jacqueline Fernandez Iyo Bobby Deol waxaana qorshaha uu yahay in la daawado Eid 2018.

5 Comments

Comments are closed.