waxaan maanta idin haynaa war ku saabsan filimkii baaqday ee inshallah kaaso si weyn lagu haminaayay inay ku midoobaan Salman Khan iyo Director Sanjay Leela Bhansali 20 sano ka dib

laakiin aktarka Salman Khan ayaa si la yaab ah isaga baxay mashruucan si uu u sameeyo aflaamo kale waxaana arrintan ay si weyn uga caraysiisay atariishada Alia iyo Director filimka Sanjay Leela Bhansali

iyadoo hadda Sanjay Leela Bhansali u bilaaway inuusan cafin Salman Khan isagoona doonaya inuu ka aarguto maadamaa uu ka baajiyay mashruuciisa riyada

sida ay soo warinayso Bollywood Hungama Sanjay Leela Bhansali ayaa waxa uu qorsheenaya inuu filimkiisa Gangubai Kathiawadi oo Alia Bhatt hogaaminayso duubistiisa ka bilaabo stuido caanka ee Mehboon studio isbuuca soo aadan kaaso hore ugu qorsheesana aktarka Salman Khan inuu ku duubo filimkiisa Radhe: Your Most Wanted Bhai

waxaana arrintan ay keentay inuu Salman Khan  u raadsano Studio cusub maadamaa uusan doonayn inuu dib u dhigo duubistiisa mashruucan ay ku midoobayn Director Prabhudeva waxaana hadda aktarka helay istuudiyo cusub kaaso lagu magacaabo Goregaon Film City.

Salman Khan marnaba ma doonayo inuu mar kale ay isku dhacaan Director Sanjay Leela Bhansali ka dib filimka Inshallah isagoona aaday meel kale si arrintan aysan u noqon mid ka dhalat muran iyo dagaal filimka Radhe: Your Most Wanted Bhai kaaso lagu balansan yahay inay duubsitiosa bilaabato 4 bisha November

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here