Aaway taageerayaasha Engin Akyurek iyo Neslihaan Atagul akbaar farxad leh ayaan idiin kaga wadnaa labadaan jilaa iyo xiliga sida rasmiga loo daawan doono taxanaha Sefirin Kizi oo lagu dhawaaqay.

0
2195

Engine Ekyurek iyo Neslihaan Atagul waxay kamid yihiin jilayaasha haatan loogu jecelyahay gudaha Turkida waxayna sidoo kale daafaha caalamka ku leeyihiin shacbiyad balaara.

Labadaan jilaa oo lagu mideeyay taxanaha Sefirin Kizi ayaa lagu wadaa in shaashada jaceyl ku wadaagi doonaan isla markaasna laga war sugayaa sida koobal ahaan I hirgalaan isla markaasna noqon doonaan lamaane laga daba dhacay.

Hadaba taageerayaasha labadaan jilaa ayaa siweyn u sugaayay xiliga sida rasmiga loosii deyn doono taxanaha Sefirin Kizi kaasoo labadooda lagu mideeyay waxayna shabakada filimside idiin soo gudbin doontaa wax walba oo aad taxanahaan uga baahantihiin.

Ugu horeyn taxanaha ayaa lagu dhawaaqay inuu maalin isniin ah la daawan doono waxayna xalqadiisa koowaad soo gali doontaa 9 december ee bisha dambe.

Taxanahaan ayaad ka daawan doontaan kanaalka Star TV habeenkasta oo isniin ah balse arinka xiisaha leh ayaa wuxuu yahay in isla habeenkaas uu soo galo taxanaha lawada jecelyahay ee Cukur.

Taxanaha Cukur ayaa kamid ah taxanayaasha loogu daawasho badanyahay gudaha turkida asigoona Ratingiisa markasta yahay mid aad u sareeyo waxaana la isweydiinayaa sida uu Sefirin Kizi ula loolami doono taxanaha Cukur iyo hadii uu daawadayaasha ku ciriirin doono.

Hadaba waxaan sugnaaba waa 9ka December inta kahoreyso shabakada filimside waxay akhbaarta taxanahaan idiin kuugu soo gudbin doontaa si toos ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here