Abaalmarinada Akadeemiyada India 2020, oo loogu magacaabo IIFA oo lagu bixiyo abaal marino kala duwan oo Bollywoodka ayaa dib loo dhigay xafladdeedii seddexaad ee abaalmarinta cabsi laga qabo cudurka Coronavirus.

Iyada oo la tixgalinayo walaaca sii kordhaya ee ku saabsan fiditaanka fayrask ayee maamulka IIFA iyo saamileeyda ka socda waaxda filimka, ayaa la go’aamiyay in dib loo dhigo taariikhda IIFA 2020, oo soo jiidata tiro badan oo ka mid ah hibada Bollywoodka iyo taageerayaasha filimada adduunka oo dhan, ayaa loo qorsheeyay in lagu qabto Madhya Pradesh.

IIFA 2020 waa dhacdadii ugu dambaysay adduunka oo dhan in dib loo dhigo ama la baajiyo taariikh dambe sababa la xiriira cabsida caafimaadka adduunka.

Taariikhda cusub ayaa la shaacin doonaa goor dhow, Ranveer Singh filimkiisa Gully Boy ayaa hogaaminaya tartankka magacaabista IIFA ee sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here