Home » Nolosha Jilaayaasha » Abhishek Bachchan Iyo Karan Johar Oo Ka Qeyb Galeen Xaflada Lagu Soo Bandhigayey Filmka Lust Stories (+Sawiro)

Abhishek Bachchan Iyo Karan Johar Oo Ka Qeyb Galeen Xaflada Lagu Soo Bandhigayey Filmka Lust Stories (+Sawiro)

Lust Stories waa film gaaban oo qaab Online ah loo daawan doono waxaana wada sameyeen afar Director oo katirsan Bollywoodka kuwaaso kala ah Karan Johar, Zoya Akhtar, Dibakar Banerjee iyo Anurag Kashyap.

Waliba waa afar sheeko kala duwan oo mid walba Director uu kayahay afartaas Director sido kalena hal film laga wada dhigay afaraas sheeko waxaana la daawan doona 15 June 2018 ayado qaab Online ah loo daawan doono maadama filmo yar yar yihiin (Short Movies).

FIlmka waxaa la isugu keenay jilayaal fara badan kuwaaso kala ah Vicky Kaushal, Bhumi Pednekar, Radhika Apte, Neha Dhupia, Manisha Koirala, Akash Thosar, Randeep Jha, Neil Bhoopalam, Jaideep Ahlawat, Sanjay Kapoor iyo Kiara Advani, hadaba waxaa maanta lasoo bandhigay tijaabada filmkaan ayadoo maalinta barita ah la daawan doono si hordhac ahaan ayaana maanta loo daawanayey ayadoo lagu marti qaaday qaar kamid ah jilayaasha Bollywoodka daawashadiisa.

Karan Johar iyo Abhishek Bachchan ayaa kamid ahayen shaqsiyaadkii kasoo qeyb galeen xafladan halkaan hoose ka daawo sawirada laga soo qabtay xidigahan..