Jilaaga caanka ah Abhishek Bachchan ayaa duubis kuwado Filimka dambi baarista iyo qiyaanada isku dhexjirto ah ee Bob Biswas kaaso uu hogaamiye ka yahay waxaana atiriisho ka ah Chidrangada Singh waana mashruuc la sugaayo sanadka dambe 2021.

Abhishek ayaa sawiro xatooya ah laga soo qaaday isagoo Filimka ku duubaayo magaalada Kolkata arinkaas isagoo ka hadlay waxuu yiri,”saxaafadu wey ogaayeen goobta duubista Filimka sidaa aawged sawir qaadayaal badan ayaa goobta imaadeen sawirana iga qaateen balse aniga waxaan rabah Diya (Director-ka Filimka) inuu si Official ah usoo bandhigo aragtida Filimka mana dhicin waayo waaba la faafiyay.”

Bachchan yare oo sii wata hadalkiisa waxuu yiri isagoo ka hadlaayey faaidada kujirto isku ekeysiinta doorka,”inaad doorkaada isku ekeysiiso waxay ka dhigantahay inaad shaqadaada kalabar qabatay waana sida aan aaminsanahay.”

Xidigaan ahaa sheegay inuu miisaankisia sare uqaaday mudadii bandowga jiray si uu doorkiisa kaga dhabeeyo haderna duubista ayuu wadaa waxaana la filaa in lagu amaani doono mashruucan bandhigiisa shaashada abaal marinana ku qaadan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here