Abhishek Bachchan oo markale si carol eh uga jawaabay wararka sheegaayo in asiga iyo Aishwarya Rai kala hareen.

0
874

Dhawaanahaanba waxaa jireen warar ay saxaafada si joogto u qoreysay kuwaasoo badankooda xan ahaa waxayna wararkaan la xiriireen in xiriirika ka dhaxeeyo lamaanaha Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai uu yahay mid aan lugo adag ku taagneen isla markaasna ay kala tagi rabaan.

Hadaba Abishek Bachchan ayaa dhawaan arintaas ka hadlay wuxuuna biyo qabow ku shubay wararkaas xanta ah balse saxaafada ayaa halkeedii kasii wadatay weerarka ay ku heyso lamaanahaan.

Toogtaan Abhishek oo aad u careysan ayaa laweydiiyay sida ay saameyn ugu yeelatay wararka xanta ee saxaafada markasta ka qoraan wuxuuna ku jawaabay; waan ogahay sida xaqiiqda ah waxaan kaloo ogahay been abuurka saxaafada”.

Asigoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri; “uma ogolaanayo sadaxeeye inuu ii yeeriyo ama Aish u yeeriyo sidey nolosheena u socon laheyd, iyo sidaan u noolaan laheynba waayo Aish wey ogtahay jaceylkaan u qabo heerka uu la egyahay ana waan ogahay jaceylka ay ii qabto heerka uu la egyahay”.

Abhishek ayaana hadalkiisa kusoo qatimay asigoo sheegay inuusan marnaba saxaafada u ogolaan doonin in noloshiisa iyaga u afduubnaato sidaas ogweed ay ku daali doonaan kahadalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here