Xidiga caanka ah Abhishek Bachchan dhawaanahan mashaariic kala duwan oo xiiso leh ayuu gacanta ku dhigayaa haatana wuxuu si rasmi ah duubis ugu bilaabay filimka Bob Biswas ee uu SRK soo saare ka yahay sidoo kalena waa filim fariintiisa qayaano, dambi baaris iyo Action isku jirto ah lana daawan doono qaybaha dambe ee sanadkan.

Filimka Bob Biswas Abhishek Bachchan waxaa ku wehliso atirishada lagu magacaabo Chitrangada Singh waxaana Director ka ah Diya Annapurna Ghosh ayadoo duubista jadwalka kowaad filimkan maanta ka bilaabatay Kolkata waxaana isla maal galinayaan shirkada Red Chellies Entertainment SRK madax u yahay filim sameeye Sujoy Gosh waana filim lagu kalsoon yahay daawadayaasha inuu ka gadmi doono madaama fariin waaqici ah xambaarsan yahay.

Filimka Bob Biswas wuxuu ku saabsan yahay doorkii qayaaliga ahaa ee filimka Kahaani (2012) oo haatan laga dhigay hogaamiye Bob Biswas waxaana kaalintaas qaadanayo Abhishek Bachchan oo ku jilaayo nin dilalka qandaraas ku qaato kadibna dhibaato la kulmaayo wuxuuna Abhishek isku sameeyay isbadal weyn jir ahaan si uu doorkan kaga run sheego.

Abhishek Bachchan wuxuu haatan duubis ku wadaa filimka The Big Bull ee uu soo saare ka yahay Ajay Devgn waxaana kula jiro Ileana D’Cruz waxaana la daawan doonaa isla sanadkan sidaa darteed Junior Bachchan 2020 waa sanad u qaas ah madaama labo filim hogaamiye kowaad ka yahay usoo bixi doonaan nasiib wacan ayaan leenahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here