Abhishek Bachchan Oo Xaaskisa Iyo Gabadhiisa Airport-ga Kasoo Waday Xili Ay U.S.A Ka Imaaden (+Sawiro)

Todobaad kahor waxaa Mareekanka u amba baxeen Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadheeda yar ee Aaradhya si Aish oga qeyb gasho xaflad lagu casuumay goobtana abaal marin lagu siinayey.

Sido kale waxaan idiin la wadaagnay sawirada atirishadan iyo gabadheeda markii ay ka amba baxaayeen Airport-ga oo ay halkaas usii socdeen iyo sida sawir qaadayaasha ula fal galeen.

Hadaba fiidkan waxaa Mumbai dib ugu soo noqdeen atirishada iyo gabadheeda oo waqtigooda joogitaanka xaga soo dhameesteen kudhowaad todobaad ayeena halkaas soo joogeen.

Abhishek Bachchan ayaa eelaborka ka doonay si uu xaaskisa usoo wado iyo waliba gabadhiisa sawiro ayaana laga soo qabtay xidigaan oo usii socda hadana soo waday kana soo bixiyay Airport-ga.

Aish dhoola cadeentii ay ku baxday ayeena kusoo noqotay balse Aaradhya ayaa xishood badan muujisay markee aragtay sawir qaadayaasha iyo saxaafada oo Video ka duubanayeen, dhanka shaqada Abhi waxaa maanta tiyaatarada loo saaray filmkiisa Manmarziyaan ee ay la jilayaan Taapse Pannu iyo Vicky Kaushal.

Halka Aish ay saxiixatay filmka Gulab Jamun ee ay la jileyso seygeeda Abhishek goordhow ayaana duubis lagu bilaawi doona halkaan hoose kaga bogo sawirada laga soo qabtay qoyskan..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*