Abhishek Bachchan Wuxuu Ilaalinayaa Aabihisa Amitabh Bachchan Maadama Xaalku Ku Xunyahay (+Sawiro)

Mega Star Amitabh Bachchan markaan xaalka ayaa ku xun sidii horena ma ahan maadama da’nimo iyo jirooyin isugu darsameen da’diisana 75 sano sare ayee u dhaaftay markaan.

jilaagan dhowaan isagoo ku guda jiro duubista filmkiisa Thugs of Hindostan ayaa xanuun kusoo booday waxaana loola cararay Hospital-ka sido kalena dhaqaaqtiirta waxay kula taliyeen inuu nasiino badan qaato maadama caafimaadkisa wali sidii larabay noqonin.

Balse Big Bachchan waxuu ku adkeestay inuu shaqadiisa dhameestiro oo waxuu maanta aaday goobta lagu duubayo filmka Thugs of Hindostan kaaso Diwali-ga la daawan doono waxuuna rabaa shaqadiisa inuu soo dhameesto.

Hadaba Abhishek Bachchan oo aabihiisa aad u jecel kana walwalsan caafimad darida aabihiisa hadana shaqo ku qabanaayo sidaas ayaa soo raacay xili uu Airport-ga kasi baxayey Bachchan kor ayuuna ka llaalinaayey isagoo ka walwalsan amuu xanuun qabtaa.

Sawiro ayaa laga soo qabtay wiilkan iyo aabihiisa, halkaan hoose ka daawo ayagoo Airport-ga kusugan..

Abhishek-Bachchan

Amitbh-bachchan-(1)

Amitbh-bachchan-(2)

 

2 Comments

  1. saaxibayaal warkaan ayaan war ku keenay waxaan maqlay in amitabh bhachchan timihiisa saxda ahayn ee hadalkaas maxaa ka jiro waan ku wareeray q

    • Sida guud waa timahiis runta ah balse mar ayaa la sheegay in bidaar soo gali rabtay kadibna u daawada dib tinta u abuurta uu isticmaalay hadalkaasna ma ahan mid lahubo….

Comments are closed.