Taxanaha Hercai wuxuu kamid yahay taxanayaasha sanadkaan sida weyn u gadmay sheekadiisana siwadajir loosoo dhaweeyay hadana waxaa layaab leh in doorarka cajiibka ee taxanayaashaa iska diideen jilayaasha qaar.

Horay waxaan idinkula wadaagnay doorka cajiibka ee Ebru Sahin taxanaha ku mataleyso Reyyan atariishada iska diiday bal halkaana kaga bogo doorka Miran jilaaga iska diiday.

Caglar Ertugurl jilaaga taxanaha Afalik Ask ayaa iska diiday doorka Miran ee taxanaha Hercai kaasoo markii dambe loo dhiibay jilaaga Akin Akinozu misna siwanaagsan uga soo baxay.

Jilaagaan ayaa kadib markii uu diiday doorkaas aqbalay doorka Romantica ee taxanaha Afalik Ask kaasoo haatan gabo gabo ah kadib markii daawadayaashiisa yaraadeen.

Waa xaqiiqo in haatan Ceglar ka shaleynaayo doorkaas maadaama midka uu doortay iyo kan ay gabi ahaanba farqi weyn u dhaxeeyo misna doorka Miran siweyn looga helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here