Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa suaak xiiso leh la weydiiyay sanadka markuu ahaa 1999 maantana dib ayaan u milicsanay 20 sano kahor suaashaas iyo jawaabti uu Mega Superstar-kaan ka bixiyay.

Wariye ayaa suaashan weydiiyay SRK waxuu yiri wariyaha,”mudane adigu waxaa tahay nin xaasle ah oo waliba Aabo ah hadana gabdhaha aduunka badankooda adige kugu waalan yihiin sirta ka dambeysa arinkaas ma inoo sheegi kartaa.”

Waxuu yiri SRK,”gabar walba oo aniga ijecel wey ogtahay inaan xaasle ahay oo aan waxba la qaban karin hadana saas ee tahay wey ku qanacsan yihiin inaan xaasle ahay hal sabab ayee igu jeclaadeen.”

“Taaso ah hadalkeyga oo qalbigooda ka dhex yeero iyo jiliinkeyga oo ah waxa indhahooda ku raaxeestaan arinkaas waaye midka ay igu jeclaadeen atoore walbana lagu jeclaado balse ha umaleynina in SRK qurux lagu jeclaaday waayo kuwa iga qurux badan wey buuxaan.”

Shahruu waxuu tilmaamay in dumarka qaab jiliinkiisa jaceylka ah iyo oraahdiisa cajiibka ah ku jeclaadeen balse aysan qurux ku jeclaanin waxuuna sheegay in kuwa ka qurux badan buuxaan oo uu ula jeedo sida Salman Khan oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here