Filmsameeya yaasha ‘Hindia’ oo dhan ayaa waday dhawaanahaan wararka xanta ah ee sheegaya in Yash Raj Films uu sameyn doono dabaal dagyo gaar oo kusaabsan 50 sano guurada shirkadooda laga bilaabo dhamaadka bisha soo socata 2020 isla markaana socon doona illaa 2021 bilaawgiisa.

Waxaanna kuu sheegi karnaa in wararka xanta ah ay run yihiin sida ugu macquulsan ee suurtagal ah . Yash Raj Films, oo ah midka kaliya ee leh istuudiyo isku dhafan Hindiya oo gacan ka geystay filim sameeyaha caanka ah ee Aditya Chopra, ayaa runtii ku dhawaaqi doona qorshahooda dabbaaldegga maalin aad u gaar ah.

Aditya Chopra si uu u soo bandhigto naqshadeynta mashruuca YRF 50 ee kusii beegan dhalashadii 88aad ee Yash Chopra Adi wuxuu wadaa inuu ku dhawaaqo oo uu faafiyo mashruuca YRF 50 iyo dhalashadii 88aad ee aabihiis,

halyeeyga filim sameeyaha ah Yash Chopra. wuu ka weynyahy intaas oo kaliya mana ahan abaalmarin ku habboon ninkii bilaabay dhaxalka shirkadda. balse waa intuu awoodo Adi

YRF waa shirkad dhaxal gal dhab ah leh maxaa yeelay wiilka Yash Chopra sidoo kale waa nin si aad ah loo jecel yahay laguna amaano dhanka filim sameenta India kaas oo India siisay qaar ka mid ah aflaanta ugu quruxda badan ee jiilkii soo maray.

27ka September ayaa isha alagu haayaa iyo qorshaha Aditya Chobra

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here