Sebtember 27-deeda, waxee kubeegantahay sanadguurada 88aad ee dhalashada Yash Chopra iyo ‘YRF Project sanadkoodi 50aad ‘

Maadaama Yash Chopra uu geeriyooday 2012ki Wiilkiisa Aditya Chopra ayaa maamuus usameeyay dhaxalka magaca aabihiis ugatagay sanadwalba .

Yash Raj Films waa istuudiyaha kaliya ee isku dhafan Hindiya, waxuuna latartamaa istuudiyaasha waa weyn sida Universal, Fox iyo Disney ee dalka Mareykanka. “YRF waa shirkad dhaxal gal taariikh leh. Tirada filimaanta hufan ee ay ku leeyihiin aduunka waa mid aad usareya.

Shirkadda ayaa India siisay xiddigo aad u tiro badan, kuwaasoo haatan bollywoodka kufaanaan. Si lamid YRF waa Shirkada ugu duqsan ee haatan kashaqeyda Gudaha hindia dhanka aflaamta, ,

Aditya ayaa runtii shaaca ka qaaday astaan ​​cusub oo gaar ah taasoo lagu xusayo 50 guuradii ee shirkadda YRF. Waxaa daaha looga qaadi doonaa xaflada wadajirka ah uu aditya uwada diyaariyay sanadguurada 88aad ee dhalashadii halyeeyga filim sameeyaha ah aabihiis Yash Chopra.

Astaanta cusub ayaa calaamad u noqon doonta bilowga dabaaldega 50 sano laga bilaabo Sebtember 27-deeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here