Sanadkii hore waxaan xasuusanaa Aditya Roy Kapur inuu shaashada murqo diyaarsan lasoo galay markii aan daawanay filimkiisii Malang oo aan ka wada helnay doorkiisii awooda badnaa iyo sida uu Action-mada u sameenayay, taasina waxay keentay in Director Ahmed Khan u dhiibto xidigan filimka weyn ee Action-ka ah laguna magacaabo Om: The Batle Within.

Filimka Om: The Batle Within waxay duubistiisii bilaabatay 3 December 2020 ama dabyaaqadii sanadka hore wuxuuna Ahmed Khan ka yahay soo saare waana filim sameeyaha ku caan baxay sameynta Baaghi 2 iyo Baaghi 3 wuxuuna masuulkan balan qaaday Aditya Roy Kapur inuu ku biiri doono liiska atoorayaasha geesiyaasha ku ah sameynta filimada Action-ka ah loona yaqaan Action Heroes.

Haatan shaqada filimka Om: The Batle Within gabo gabo ayay ku dhow dahay waxaana la bilaabi rabaa jadwalka ugu dambeeyo filimkan oo lagu duubayo dalka Turkey-ga sida laga soo xigtay Kapil Verma oo Director ka ah mashruucan waxaana atirisho kowaad ka ah Sanjana Singh oo filimkii Dil Bechara kusoo caan baxay sanadkii hore la daawaday waana filimkii ugu dambeeyay ee uu sameeyay Sushant Singh Rajput-kii geeriyooday.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyeen in Aditya Roy Kapur filimkan Om: The Batle Within si caalami ah u duubayay muuqaalada Action-ka ah ku jiraan sidoo kalena dagaalka lugta, gacanta iyo qoryaha la qaadanayo mid walbo si heer sare ah u sameeyay filimkana uu noqon doono mid uu tiyaatarada Hindiya ku qabsan doono marka lasoo saaro xagaagan waxaana loo badinaa filimkan in la daawan doono bilaha June ama July ee sanadkan dhawaana ayaa shaaca laga qaadi doonaa waqtiga rasmiga ah ee filimkan la daawan doono.

Aditya Roy Kapur filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Ludo oo jilaayaasha kala duwan la isugu keenay waxayna isla jileen door ahaan Sanya Malhotra asigoo kaalintiisa laga wada helay waxaana filimkan Online ahaan looga daawaday barta Netflix xiligii feestadii Diwali 2020 ku beegneyd ama dabyaaqadii sanadkii hore balse markaan hogaamintiisa filimka Om: The Batle Within oo uu ku xarakeyn doono ayuu qof walbo sugaa si xidigan darajada Action Hero ugu dalaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here