Wali waxaa socoto xayeysiin u sameynta Filimka Malang ee ay wada jilayaan Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor, Kunal Kemmu iyo kuwa kale si balaaran ayeena xayeysiin ugu sameynayaan mashruucan ayagoo la kulmayaan saxaafad kala duwan.

Hadaba Aditya ayaa la weydiiyay suaasha ah”maxaad dareenta marka Filimkaada tiyaatarka la saaraayo”waxuuna ku jawaabah xidigaan isagoo hadlaayo,”madax xanuun iyo neerfo dabiici ah ayaa dareema marwalba.”

“Waan ogahay shaqo wacan inaan qabtay oo shaqadeyda kalsooni waan kuqabaa hadana saas eetahay madax xanuun iyo neerfo ayaa dareema marwalba Filim aan jilaayo oo tiyaatarka ku cusub yahay”

Anil Kapoor oo dhiniica fadhiyay ayaa hadalka qaatay misane yiri. “Aniga hader la joogo fursad aan ku walwalo ma helo waayo markaa Filim sameeyo ma nasto horey ayaa Filim kale ka duubaa waqtigeyga ayaa sidaa ah balse waaggii hore si qaas ah markaa shirkada kucusbaa waan walwali jiray.”

“Waxaan xusuustaa hada kahor anigoo Filim sameynaayo waliba Dilip Kumar Filim la sameynaayo inaan si weyn u walwaly hurdo la’aana igu dhacday sida Aditya hader sheegay oo kale balse Filimkaas waa kii aan ku caan baxay India oodhana magac aan kaga helay sababto ah dadka Dilip Kumar ayee usoo daawasho tageen balse waxay barteen wiil yar oo magac doon ah waana ku farxay shacbiyada aan Filimkaa ku helay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here