Dunida waxaa lagu soo kordhiyey saacad cusub oo Apple ah (New Apple Watch) taasoo la jaabqaadeysa heerka tiknoolajiyadda casriga ah ee caalamku haatan ku tallaabsaday.

Saacaddaan oo aad gacanta ku xiraneyso ayaa waxay leedahay qaboojiye jirka ah ama mukeyf (Air-Conditioning Watch) waxaana loo yaqaannaa Aircon Watch.

Dhowaan ayaa iibkeeda la bilaabi doonaa saacaddaan oo ay sameysay shirkadda ClimaCon Technology ee uu fadhigeedu yahay Hong Kong.

Haddii aad dooneyso inaad ka mid noqoto dadka ugu horreeya adduunka ee gacanta ku xirta saacaddaan leh mukeyfka, waxaad ku heli kartaa qiimo lacageed dhan $623 oo Hong Kong Dollars ah, waana lacag u dhiganta $80 dollarka Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here