Home » Nolosha Jilaayaasha » Aduunyada Orod Badanaa Wiilkii Filimka Taare Zameen Par Darsheel Safary Sida Uu Isku Badalay Muuqaal Ahaan Filimkiisa Cusub

Aduunyada Orod Badanaa Wiilkii Filimka Taare Zameen Par Darsheel Safary Sida Uu Isku Badalay Muuqaal Ahaan Filimkiisa Cusub

Darsheel Safary waa wiilkii dadka ka ilmeesay bandhigiisii filimka Taare Zameen Par oo sanadii 2007 Aamir Khan sameeyay sidoo kalena Darsheel Safary abaal marino kala duwan ayuu filimkaan ku helay.

Balse Darsheel Safary siweyn ayuu isku badalay maanta waxaana aragti kowaad laga soo bandhigay filimkiisa cusub Quickie ee uu hogaamiye ka yahay.

Quickie waa filim jaceyl ah sidoo kalena Darsheel Safary markale bandhig heer sare ah shaashada ka muujin doono sidoo kalena filimkaan hadal xoogan ayuu xambaarsan yahay.

Darsheel Safary markii uu Taare Zameen Par sameeyay kadib wuxuu kasoo muuqday filimkii Bum Bum Bole iyo filimo kale sidoo kalena wiilkaan wuxuu kasoo muuqday barnaamijyada TV-yada laga daawado sida Jhalak Dikhla Jaa season 5 iyo kuwo kale.

Darsheel Safary 5-sano kadib ayuu haatan filimada kusoo laabtay waxaana la wada sugaa filimkiisa cusub Quickie ee uu Director ka yahay Pradip Atluri halka Tony D’Souza, Amul Vikas Mohan iyo Nitin Upadhyaya ay ka yihiin soo saarayaal.