Marka ay wada-shaqeeyaan Akshay Kumar iyo filimsameeyaha caanka ah Priyadarshan guul ayey si wadajir ah ugu xisaabtamaan, waxaana caddeyn kuugu filan ‘Hera Pheri’ iyo ‘Garam Masala’.

10 sannpo ka hor, labadoodu waxay la yimaadeen filimkii Bhool Bhulaiyaa kaasoo xambaarsanaa sheeko qosol iyo cabsi isugu jirta (Comedy horror film). Shabakadda Bollywoodbubble ayaana haatan soo bandhigtay afar sababood oo ay tahay inaad marwalba ku jeclaato filimkaas.

1 – Marka Uu Akshay Kumar Jillay Doorka Dhakhtar Maskaxda Iyo Cilmu-Nafsiga Ah

Akshay Kumar ayaa lagu xusuustaa inuu filimkaas ku jillay doorka Dr. Aditya Shrivastav kaasoo ah dhakhtar la tacaala dadka dhimirka laga hayo isla markaana yaqaanna cilmu-nafsiga. Dhowr daqiiqo ayuuna jillayaa doorkaan inta aan la gaarin kala barka filimka, qaabka uu Akki u sameeyey qeybtaasna aad ayaa loo ammaanay, taasi waa sababta koowaad ee aad ku jeclaan doonto Bhool Bhulaiyaa.

2 – Qaabka Ay Vidya Balan U Jishay Inay Tahay Shaqsi Maskaxda Looga Jiro

Atariishada weyn Vidya ayaa saaxada Bollywood kusoo kortay filimkii Parineeta sannadkii 2005tii. Wixii intaas ka dambeeyey dhowr filim ayaa usoo baxday kuwaasoo ganacsi ahaan guulo ku tallaabsaday, laakiin marnaba bandhig jilliinkeedu ma gaarsiisneyn heerkii loo baahnaa. Laakiin filimkaan si dhab ah ayey uga baxsatay labada door ee ay ku jishay Avni ama Manjulika.

3 – Qaabka Loo Agaasimay Heesaha Filimkaan

Music Director-ka weyn Pritam ayaa kaashaday labada nin ee looga haray curinta heesaha Sameer iyo Sayeed Quadri. Heesta Bhool Bhulaiyaa ayaana filimkaan si weyn u gaday, inkastoo ay xaqiiqadu tahay in goordambe lagu daray filimkaan maadaama ay heestaani shacbiyad aan caadi aheyn heshay. Balse sidoo kale waa in la sheego qaabka ay kooxda muusigga filimkaan uga baxsadeen heesaha ‘Labon Ko Labon Pe’, ‘Allah Hafiz Keh Raha’, ‘Mere Dholna Sun/Ami Je Tomar’ iyo ‘Let’s Rock Soniye’.

4 – Habka Loo Sameeyey Muuqaallada Cabsida Ah Ee Filimkaan Ayaan La Iloobi Karin

Bhool Bhulaiyaa sidaan horay usoo sheegay waa filim ku jira meegaarka Psychological Thriller, sidaas darteed waxaa lagu daray muuqaallo si aan caadi aheyn loo jilay oo cabsi ah, kuwaasoo markasta oo aad daawato filimkaan kugu qasbaya in adigoo ciddigahaaga cunnada aad ka dhaqaaqi weyso kursigaaga.

Vidya Balan ayaa doorka Manjulika marka ay jilleyso dadka aad uga cabsiineysa. Qaabka uu Akshay u jillay muuqaallada dhankiisa ah ayaana qof walba oo daawada filimka Bhool Bhulaiyaa ku qasbeysa in uusan xasuustiisa ka go’in.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here