Waxaan wada ogeyn in jilaayaasha Bollywood-ka u kala harin ka qayb qaadashada arooskii jilaaga Armaan Jain iyo jaceylkiisa Anissa Malhotra kaasi oo Mumbai ka dhacay sidoo kalena weli xafladan aroos hadal heynteedii ma aysan soo idlaanin.

Haddaba shabakada Times Of India waxay sawiro kasoo bandhigtay wiilka ruug cadaa Suniel Shetty ee lagu magacaabo Ahan Shetty kaasi oo dhawaan Bollywood-ka kusoo biirayo iyo lamaantiisa Tania Shroff oo arooskan imaadeen sidoo kalena banaanka soo dhigeen xiriirka ka dhaxeeyo.

Ahan Shetty wuxuu kusoo caan baxaa dib u sameynta filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn 2018 noqday RX 100 oo haatan duubistiisa gabo gabo ku dhow wuxuuna ka mid yahay jiilka sida weyn loo sugaayo sanadkan inay Bollywood-ka kusoo biiraan madaama in mudo ah la hadal haayay soo galistiisa fanka Hindiya.

Haddaba Ahan Shetty shaqada uu doortay kaliya ciwaano kuma sameenayo ee wuxuu saaxiib la yahay gabadha dhanka Model-ka ku caan baxday Tania Shroff waxayna marar badan baraha bulshada soo dhigeen sawiro iyagoo waqti isla qaadanayaan balse haatan xafladii arooskii Armaan Jain iyo Anissa Malhotra waxay imaadeen iyagoo gacanta is heestaan si xiriirkooda rasmi uga dhigaan waana mid siweyn saxaafada Hindiya u hadal heyso.

Dhawaan Suniel Shetty wuxuu sheegay inuu ka helay gabadha uu wiilkiisa saaxiib la yahay Tania Shroff sidoo kalena ay tahay qof aad u wanaagsan qaybna ka tahay qoyskiisa balaaran haatana Ahan Shetty wuxuu ku dhiiraday inuu Tania saxaafada baro inay tahay lamaantiisa si hadal heynta xiriirkooda ku aadan ee xanta ah meesha kaga baxdo loona ogaado Tania Shroff inay tahay gabadha uu doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here