Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty labadii bilood ugu dambeeyay guriga wuu ka maqnaa madaama uu ku sugan yahay deegaanka Mussoorie oo uu ku duubayo filimkiisa kowaad sheeko ahaana laga soo min guuriyay filimka Telugu ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100.

Haddaba Suniel Shetty iyo xaaskiisa Mana Shetty ayaa socdaal dheer galeen ayagoo Mumbai ka tageen waxayna booqdeen goobta wiilkooda Ahan Shetty filimkiisa kowaad ku duubayo si wiilkooda waqti ula soo qaataan hubanti ahaan Ahan wuu ku farxay in waalidkiisa soo boqdeen kadibna sawiro kala duwan ayaa baraha bulshada lasoo dhigay.

Suniel iyo Mana socdaalka waxaa ku wehlisay Warda Nadiadwala haweeneyda u dhaxdo filim soo saare Sajid Nadiadwala oo Ahan Shetty filimkiisa kowaad u maal galinaayo waxaana deegaanka Mussoorie kusoo dhaweeyeen qoyskan kooxda filimkan oo uu ugu horeeyo Director Milan Lutharia kadibna goobta ayay kulamo ku wada qaateen kuna wada casheeyeen.

Suniel Shetty ayaa wiilkiisa Ahan Shetty nasiib wacan u rajeeyay waxaana filimkiisa kowaad atirisho ka ah Tara Sutaria oo sanadkan fanka kusoo biirtay kana soo muuqatay filimka Student Of The Year 2 iyo Marjaavaan markaana filimkeeda sedexaad Ahan Shetty ayay la sameyn doontaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here