Sida guud dumarka kama runsheegaan da’dooda rasmiga ah oo marwalba waxay jecel yihiin inee is yareeyaan waana wax dabci ahaan ay ka siman yihiin gabar walbo aduunkaana waxay jeceshahay inee qurux badnaato da’ahaana ay marwalba yaraato.

Aishwarya Rai waa mid kamid ah dumarka ugu quruxda badan adduunka taariikh ahaan da’ahaan waxay jirtaa hader 45 sano waxayna kusii dhowdahay 46 sano dhanka kale Sonam Kapoor oo ah atiriisho uu dhalay Halyee Anil Kapoor iyadana waxay jirtaa 34 sano.

Farqiga udhaxeysa da’ahaan labadan atiriisho xaasaska ah waa 11 sano ilaa 12 sano kudhowaad hadaba Sonam ayaa ka dhawaajisay in Aish waalidkeed ookale tahay waliba Eedo ayee ugu yeertay saxaafada hortooda.

Saxaafada ayaa Sonam Kapoor hada kahor kusoo hadal qaadeen Aishwarya Rai iyagoo Fashion-ka labadan atiriisho is barbardhigayaan Sonam oo weerar ku qaadeysa Aish waxay tiri ileen waa atiriisho hadalka la gambanine.

“Waa khalad inaad is bar bardhigtaan gabar iyo waalidkeed, Aishwarya isku jiil maba nihin oo waa qof aad iiga weyn sido kalena waqti lasoo qaadatay aabahay lana soo shaqeysay marka waa eedadey qoftaas yaan la ila bar bardhigin.”

Aish hadalkaan markee maqashay aad ayee oga xanaaqday salaamtana wey kala wareegtay Sonam xitaa mar saxaafada weydiyeen waxay tiri”waa gabar yaroo iska hadashay oo aan u xisaabsaneyn hadalkeeda.”

Aish kama kaftanto da’deeda mana jecla in duqnimo lagu tilmaamo wali wey dagaalameysaa oo waaba mid kamid ah atiriishooyinka ugu soo jiidashada badan waqtigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here