Bollywood Queen Aka Aishwarya Rai ayaa maanta u dabaal dageysay sanad guuradeeda dhalasho maadama ay dhalatay shalay oo kale 1 November 1973 waxay si rasmi ah u jirsatay 46 sano cimri ah.

Aish waa mid kamid ah haweenka adduunka ugu quruxda badnaa ee taariikh ahaan soo mareen malaayin niman ah ayaa jeclaadeen xidigtaan balse riyadooda uma suurto galin oo waxaa calaf u yeeshtay Abhishek Bachchan oo marwadiisa ay noqotay.

Xidigtaan ayaa ka hadashay wax qabadkeedii mudo 25 sano ah oo ay ku guda jirtay Fashion-ka iyo fanka hindiya waxayna ka hadashay guusha ay gaartay sido kalena Priyanka Chopra ayee xustay in iyada lamid tahay guul ahaan dhanka quruxda.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”waan ku faraxsanahay talaabadii 25 sano kahor aan qaaday inaan maanta heer wacan ka gaaray waalid, walala iyo asaxaaba wey igu dhiiro galiyeen howshaan garabna waan ka helay iyaga hadeysan ahena maanta maqaamkan maba gaaren.”

“Waan ku faraxsanahay aniga iyo Priyanka Chopra in waqtiyo iskudhow aan wada noqonay haweenka dunida ugu qurxoon waliba anago India kasoo wada jeedno waana arin aan ku faanni doono abidkeen dadaal dheer ayaana usoo galnay midaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here