Waan wada ognahay in xiriir soo dhexmaray Salman Khan iyo Aishwarya Rai marar badana halkaan waan idiin kula wadaagnay iyo inee isku barteen iskuna jeclaadeen Filimka Hum Dil De Chuke Sanam intii ay duubayeen kaaso la daawaday 1999.

Salman and Aishwarya

Balse maqaalkan muhiimkiisa ayaa ah inaan ku sharaxno sidii Salman Khan ugu gacan qaadi jiray atiriishadan iyo wareysi hore oo ay arinkaa ku sharaxday waxayna raacisay sababta ku kaliftay arinkaa bal aan iyada u deyno hoos kaga bogo hadalkeeda.

Salman Khan

“Salman manaxe ayuu ahaa, wuxu ahaa qof dabeecad xun shaki badan aan akhlaakh wanaagsan leheen nasiib ayaa leeyahay hadaan noloshiisa ka baxay oo xiriirkena bur buray mar haduu qamriga cabo waa isugu mid hooyadiis, walaashiis iyo saaxiibtiis si iskumid ayuu u aflagaadeya uguna gacan qaadaa.”

Salman and Aishwarya

“Aniga marwalba waxaa la igu xantaa atoorayaasha aan la shaqeyo sida Abhishek Bachchan, Shah Rukh Khan iyo kuwa kale balse xaqiiq ma ahan isagana waxuu ka shakina waxyaabaha saxaafada qoraan sidaas ayuuna maalin walba buuq iigu dhalin jiray waxuuba iigi daray gacan qaad ilaa jirka i xanuuno markii hore ayuuba roonaa oo uu aflagaado kaliya ku ekaa.”

“Dabeecad malahan waa shaki badan yahay anigo la isoo garaacay ayaa goobta shaqada imaana sidii qof aan waxba ka maqneen oo farxad gurigeeda kaga soo baxday oo kale noloshaas silaca ah gabar yeeleyso majirto waana sababta aan ku kala tagnay aniga iyo isaga.”

Aishwarya Rai and Salman Khan

Wareysigan Aish waxay bixisay sanadkii 2002 waa isla sanadkii ay kala tageen lamaanahan dhamaan hadalka sare kuxusan Salman wuu iska fogeeyay markii la weydiiyay waxba kama jiraan ayuuna ku tilmaamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here