Maalmo ka hor ayay ahayd markii qoyska reer Bachchan ay qabsadeen cinwaannada warbaahinta dalka India kaddib markii xubno ka tirsan qoyskan laga helay coronavirus.

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay Amitabh Bachchan, Abhishek Bachchan, Aishwarya Rai Bachchan iyo Aaradhya Bachchan, waxaana arrintaas ay walaac ku abuurtay dadweynaha reer India iyo taageerayaasha xiddigahan.

Atariishada caanka ah ee Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadheeda Aaradhya Bachchan ayaa hadda isbitaalka la dhigay, xilli markii hore ay guriga karaantiil kula jireen.

Horraan waxaa isbitaalka loo dhigay Amitabh, halka guriga midba gaar loogu karaantiilay Aishwarya, Abhishek iyo Aaradhya.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanayay magaalada Mumbai ayaa sheegaya in atariishada qoyska reer Bachchan ka tirsan iyo gabadheeda la dhigay isbitaalka Nanavati, si xaaladdooda loola tacaalo.

ANI – DescriptionAsian News International – ayaa xaqiijisay in isbitaal la dhigay Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadheeda Aaradhya Bachchan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here