Dhaqan iyo caado ayee noqotay in xidigaha fanka hindiya katirsan ay sawir qaadayaasha ka qaataan sawiro iyo muuqaalo kala duwan xili walba sanadahan dambena weyba soo bateen dad dhankaas daqli ka helaan.

Inkastoo laga wada siman yahay in sawiro laga qaato jilayaasha iyo caruurtooda hadana kuwa gaar ah si gaar ah ayaa loo beegsadaa oo waaba kuwa ugu badan sawiro laga qaato waxaana kamid ah caruurtaas Taimar Ali Khan oo Kareena hooyo u tahay, Abram oo Gauri Khan hooyo u tahay (xaaska SRK) iyo waliba Aaradhya oo Aishwarya hooyo u tahay.

Labadaas wiil iyo gabadhaa ayaa noqdeen seddexda caruur sawirada ugu badan laga qaato bil walba maalin walbana Ragg ayaa usoo shaqo tagaan si ay sawiro oga qaataan hadaba arinkaa waxaa dhibsadeen Kareena Kapoor Khan iyo Gauri Khan.

Waxay sheegen in ay dhib ku qabaan arinkaa kuwa sawir qaadayaasha ahna ay yareyaan sawirada ay caruurtooda ka qaataan magaalada xorid kuma maraan meel walba waa lagu ciriiriyay cabasho noocaas ah ayee saxaafada u gudbiyeen Bebo iyo Gauri.

Shalay Aish oo meel Fashion ah lagu wareysanaayo ayaa arinkaa wax laga weydiiyay waxaana la xusuusiyay in Kareena iyo Gauri ka eed sheegteen waxay tiri iyadoo kasoo horjeeda fikirka Bebo iyo Gauri jawaabna u direysa.

“Maba ahan wax laga cabaado ama laga dacwoodo ee waa wax lagu faano aniga waan ku faanaa marke3 sawir qaadayaasha Aaradhya kusoo yaacaan.”

“Hooyooyin badan ayaa jeclaan lahaayen in sida anaga oo kale caruurtoodana sawiro laga qaato marka Kareena iyo Gauri waa inee dhanka kale wax ka fiiriyaan waa inee u mahad celiyaan waa inee ku faanaan wax laga dacwoodo ma ahan waxaas.”

“In caruurta ay dhaleen jilayaasha caanka ah sawiro laga qaato wax dhaqanka kamid ah ayee noqotay dhaqana cid diidi karto malahan balse waxaan ka codsanaa sawir qaadayaasha in aysan talax tagin mar marka qaarna dareen bini’aadanimo muujiyaan.”

Aishwarya waxay durtay Kareena iyo Gauri halka iyada ay is xijisay ama u weecatay dhanka saxaafada aan aragno jawaabaha Bebo iyo xaaska SRK soo dhiiban doonaan….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here