Maanta oo kale 12 November 2004 waxaa la daawaday Filimka Aitraax ee Akshay Kumar, Priyanka Chopra iyo Kareena Kapoor hogaamiyaasha ka ahaayen waana mashruuc caan ah oo in badan lagu xusuusan doono bandhiga PeeCee.

Maadama daawashadiisa 15 sano kasoo wareegatay kuna beegantahay sanad guuradiisa maanta waxaan kasoo diyaarinay macluumaad iyo xaqiiqooyin hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Heeskii ugu caansanaa sanadii 2004 waxay noqotay heeska “I Wanna Make Love To You” waana heeska kujirta Filimkaan ee Priyanka jileyso waana hees Classic ah.

Xaqiiqada 2-aad: Filimkaan markii hore bulshada hindiya masoo dhaweynin waana sababta uu u noqday Average ganacsi ahaan balse markii dambe waa lawada jeclaaday waxaana markii hore lagu diiday muuqaalada dareenka kujireen iyo Priyanka oo India gil gishay.

Xaqiiqada 3-aad: Priyanka Chopra bandhigeeda Filimkaan waxay ku qaadatay abaal marinta Filimfare qeybta kaabo laadarada ugu wanaagsan waana atiriishadii labaad bilada laadarnimo la gudoonsiiyay abid fanka hindiya halka Kajol kaliya kaha horeysay oo Gupt ku qaadataya mana jirto atiriisho soo seddexesay ilaa hada.

Xaqiiqada 4-aad: Muuqaalka Priyanka ay qasbeyso Akshay Kumar soona xusuusineyso xiriirkooda hore waa muuqaalkii ugi hadal heynta badnaa xiligaas waxaana lalahaa Akshay Kumar gabar shaashada ku kufsaneyso ayaa usoo baxday maadama isaga lagu yaqiinay inuu gabdhaha u dhowaado.

Xaqiiqada 5-aad: Amrish Puri ayaa Filimkaan kuleh door wanaagsan oo aan xumaan ahen waana mid kamid ah doorarkiisa ugu wanaagsan ee uu shaashada kujilay halyeeygan laadarnimona ma ahan.

Xaqiiqada 6-aad: Amrish Filimka waxuu kujilaa ninka Priyanka qabo oo seygeeda ah waxaana xusid mudan in Mujhse Shaadi Karoge uu kujilay aabaha iyada dhalay labo Filim iyo labo door kala duwan ayee isla wadaageen xidigahan.

Xaqiiqada 7-aad: Ajay Devgn ayaa loo bandhigay Filimkaan markii hore balse wuu iska diiday sidaas ayuuna Akshay Kumar ku sameeyay mashruucan oo Abbas-Mustan ayaa la xiriireeb Khiladi Kumar.

Xaqiiqada 8-aad: Waa Filimkii ugu dambeeyay ee ay wada sameyeen Akshay Kumar iyo Amrish Puri (Saalimsey) maadama Amrish 2 bil kadib mashruucan markii la daawaday uu geeriyooday.

Xaqiiqada 9-aad: Celina Jaitley atiriishada ladhaho ayaa markii hore loo bandhigay Filimkaan balse wey iska diiday waliba doorka Priyanka ayee jili laheed balse PeeCee ayaa calaf u yeelatay door Classic ahna ka dhigtay.

Xaqiiqada 10-aad: Kareena Kapoor oo xiligaas ahed atiriisho awood leh Filimkaan si aan caadi aheyn ayaa looga saameyn batay oo Priyanka ayaa oa bandhig qurxoonatay waliba Priyanka doorkeda midka Filimka ugu saameynta badan ayuu noqday.

Waa run Bebo door wacan ayee ku leedahay Filimka balde midka PeeCee ayaa saameyn badnaa dagaalka labadan atiriishona Filimkaan ayuu kasoo bilaawday maadama daawadayaasha iyo saxaafada hadal heyntooda Priyanka la wareegtay midaasna waxay ka careysiisay Kareena.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here