Jilaaga doorka walba sida weyn uga soo muuqan karo Super Star Ajay Devgan ayaa toogtiisa ka hadlay xaalada Ardayda Jaamacada JNU University kuwaasoo dhawaan jirdil loogu geystay jaamacada dhexdeeda kadib markii 50 nin oo xoogan jaamacada ugu gashay xili ay khabaar moog ahaayeen jirdil iyo tacadina meesha ugu geysyeen.

Ardaydaan oo ah kuwa kasoo horjeedo nadaamka Dowlada Hindiya ayaa jirdilkaan loo geystay isbuucii hore waxaana horay jaamacadooda u booqatay atariishada Deepika Padukone waliba Deepika booqashadaas darteed ayay Hinduuga oo dhan u colaadiyeen ayagoona filimkeeda Chhapaak tiyaatarada ku cidleeyay.

Hadaba Ajay Devgan ma uusan booqan xarunta jaamacada balse waxaa su’aal laga weydiiyay sida uu u arko jirdilka loo geystay ardaydaas iyo xaalada taagan wuxuuna Ajay sheegay in gabi ahaanba uu Jirdil iyo in xoog la isku sheegto uu kasoo horjeedo.

Ajay ayaa yiri; “Waan la socday dhamaan wararka ay saxaafada qorayeen inkastoo aysan wali cadeyn cidii sida rasmiga uga dambeysay gabood falka lagula kacay ardayda oo wararka yihiin kuwa isku dhexyaacsan balse aniga ma ogi cida ka dambeyso mana garanayo sidaan uga falceliyo arintaas balse aad ayaan uga xumahay waxa dhacay”.

Ajay oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri: “Waa kuma qofka ka dambeeyo falkaas? Qofkuu doonaba ha ahaadee waa qof qaldan waayo jirdil xal ma noqon karo aan ka aheyn inuu xaalada wadankaan uga sii daro, Muxuu yahay ajandaha ka dambeeyo arinkaas? Adiga hadaad ogtahay fadlan ii sheeg waayo ilaa iyo haatan wararka saxaafada ma ahan kuwa cad”.

Ajay ayaa sido kale ka hadlay sida xidigaha caanka arinkaan uga aamusanyihiin oo aysan uga hadleynin wuuna u cudur daaray wuxuuna yiri; “Markii aan arin ka hadalno waxaa loo qaataa hadalkaas mid dhab ah” asigoona kala jeedo in hadii qolo gaar ah eedeeyaan ay qoladaas u qaadato in kuwa kale la jiraan waana isla arinka haatan heysato atariishada Deepika Padukone.

Waxaa xusid mudan in Ajay haatan tiyaatarka u saaranyahay filimka Tanhaji – The Unsung Warrior kaasoo waliba wacdaro dhigaayo durbana Hit dhameystiran noqday.

2 COMMENTS

  1. Deepika kaliya jaamacada ma tagin ee waa looga eeyey deepika waxay aadey xili ay filmkeeda xayeysiin usamayneysey sawara badkar taapsee panna antag kashayap iyo qaar kale oo badan way joogen actorrada sida wayn social media ugu taaageeray waxaa kamida sonam kapoor Alia bhat kuwa warasi ahaan kahadlayna waxaa kamida varun ahay xalay iyo xaal Three khans ka unbaan ka hadal iyagana dhaliil xoogan baa loo soo jeediyey ee deepika waxaa loo buunbuuninyaya waa in iyada fimkeedu la saaro rabta tiyatarada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here