Ajay devgan Sanjey Dutt iyo Sonakshi Sinha oo dhinac ah iyo SRK Anushka Sharma iyo Katrina Kaif oo dhinac ah markii ay shaashada kuwada hardameen iyo cida ay guusha raacday.

0
1158

Maanta oo kale 2012dii waxaa tiyaatarada India la saaray labo filim oo waaweyn waxaana kala hogaaminaayay labo jilaa oo xifaaltan adag ka dhaxeeyay kuwaasoo kala ah Ajay Devgan iyo Shahrukh Khan.

Hadaba labada filim midkee guuleystay midkee ayaana laga guuleystay bal aan fiirino warbixinta filimadaan ay shabakada BOI kasoo qortay iyo midkasta natiijada uu gaaray.

Jab Tak Hai Jaan.

Jilayaasha; Shahrukh Khan, Katrina Kaif, Anushka Sharma.

Nooca filim; Love Story.

Xiliga la daawaday; 13dii November 2012dii.

Tiyaatarada la saaray; 2450 tiyaatar.

Maalinta koowaad lacagaha uu keenay; 12.61 crore.

Sadaxda maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu keenay; 40,51 crore.

Isbuuciisa koowaad lacagaha uu keenay; 72.27 crore.

Lacagaha guud uu soo xareeyay; 101.59 crore.

Lacagahaas sicirka maanta hadii lagu jaangooyo;122.73 crore.

Isku darka dal iyo dibad lacagaha uu ka keenay; 210.26 crore.

Lacagaha lagu qarash gareeyay; 78 crore.

Saamiga ay ka heleen kooxda cajaladaha qeybiyo; 54.90 crore.

Tirade tikidka u goosatay; 12,762,000 oo qof.

Natiijada uu Box Officeka ka gaaray; Hit.

Son of Sardaar.

Nooca filim; Masala.

Xiliga la daawaday; 13dii November 2012da.

Jilayaasha filimka; Ajay Devgan, Sanjey Dutt, Juhi Chawla iyo Sonakshi Sinha.

Tiyaatarada la saaray; 2000 oo tiyaatar.

Maalinta koowaad lacagaha uu keenay; 9.34 crore.

Sadaxda maalmood ugu horeyso lacagaha uu keenay; 33.52 crore.

Isbuuciisa koowaad lacagaha uu keenay; 61.14 crore.

Lacagaha guud ee uu soo xareeyay; 88.68 crore.

Lacagahaas sicirka maanta hadii lagu jaangooyo; 118.70 crore.

Isku darka dal iyo dibad lacagaha uu ka keenay; 135.12 crore

Saamiga ay kooxda cajaladaha ka heleen filimka; 48.93 crore.

Lacagaha lagu qarash gareeyay; 67 crore.

Tirade dadka tikidka u goosteen; 12,343,000 oo qof ayaa tikid u goosatay.

Natiijada uu Box Officeka ka gaaray; Hit.

Sida aad u jeedid labada filim isku natiijo ayay gaareen iyagoo midkastaba uu gaaray darajada Hit dhameystiran balse waxaa Big Hit ah Jab Tak Hai Jaan maadaama uu 100 crore ka talaabay sidoo kalana suuqyada caalamka siweyn ayoo loogu garaacay Son of Sardaar.

Hadaba guusha waxay raacday Sharukh Khan waxaana u sabab ah in lacagaha ugu badan uu asiga soo xareeyay gudaha India iyo daafaha caalamkaba balse darajo ahaan labada filim waa isku mid oo waa Hit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here