Sanadii 2002 Superstar Ajay Devgn wuxuu sameeyay filimkii hirgalay ee uu biladaha ku qaatay Deewangee waxaana kula jireen Urmila Matondkar iyo Akshaye Khanne halka uu Director ka ahaa Anees Bazmee. Waxaa dhacday labo sano kadib in Ajay iyo Director Anees isku soo laabteen waxayna wada sameeyeen filimka qayaanada iyo cabsida isku jiray ahaa Benaam oo markii dambe loo bixiyay Naam.

Balse nasiib daro mashruucaas markii la duubay wuxuu noqday mid meel la iska dhigo mana aysan suura galin in tiyaatarada la saaro xiliyo kala duwan waxaana Ajay filimkan kula jiraan labada atirishood ee lagu kala magacaabo Sameera Reddy iyo Bhumika Chawla. Balse haatan mashruucan dib ayaa loo soo nooleeyay waxaana la sheegay in si Online ahaan loo daawan doono ama si toos ah TV-yada looga daawan doono.

Director Anes Bazmee wuxuu yiri “Nasiib wanaag Naam oo ka mid ah Ajay filimadiisa uu ugu bandhiga fiican yahay balse taageerayaashiisa iyo dunida aysan arkin ayaan hawada kusoo fasixi doonaa si Online ahaan ama TV-yada ayaa toos looga daawan doonaa. Waana ka xumahay in filimkan aan sameenay 16-sano ka hor marnaba aysan noo suura galin in masraxa la saaro madaama soo saarayaasha mashruucan arimo dhaqaalo xumo daran qabsatay.”

Director Anes Bazmee filim kale ee uu agaasimay laguna magacaabo It’s My Life ayaa isagana dhawaan la daawaday mashruucan 13-sano ka hor la sameeyay waxaa hogaamiyaa ka ahaayeen Harman Baweja, Genelia D’Souza iyo Nana Patekar waxaana laga 29-kii bishii November aan kasoo gudubnay laga daawaday TV-yada gaar ahaan barta loo yaqaan Zee Cinema.

Sidaa darteed Ajay Devgn filimkiisa Naam ee uu 16-sano ka hor sameeyay rajo wanaagsan ayaa laga qabaa dhawaan in si Online ahaan ama TV-yada toos looga daawado si qoysaska guryahooda ugu daawadaan filimkan xili hore la sameeyay oo meel la iska dhigay. Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Naam oo sanadii 2008 mar lasoo bandhigay xili la rabay tiyaatarada in la saaro balse aysan suura galin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here