Ajay Devgn filimkiisa Raid mudo 22-maalmood ganacsiga uu sameeyay iyo dood ka dhalatay lacagihiisa

Superstar Ajay Devgn filimkiisa Raid ayaa Jimcadiisa afaraad hoos u dhac muuqdo sameeyay asigoo keenay 30 Lakh (Trade Figure).

Filimka Raid wuxuu mudo 22-maalmood ah Boxoffice-ka kasoo xareeyay 94 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday waana filim HIT ah.

Raid waa mashruuc faa’iido wacan laga helay madaama 45 Crore saami ah kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heli doonaan balse 100 Crore ma gaari doono waxayna u badan tahay darajadaas inuu ka gaabin doono.

Fadlan hoos kaga bogo Raid ganacsiga uu sameeyay mudo 22-maalmood ah sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 59.86 Crore

Todobaadka labaad – 25.17 Crore

Todobaadka sedexaad – 8.75 Crore

Jimco afaraad – 30 Lakh

Wadarta Guud – 94.08 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimka Raid iska leh waxay si rasmi ah shaaca ka qaadeen in mashruucaan uu 100 Crore gaaray kadib markii Jimcadiisa afaraad uu keenay 43 Lakh (Producer Figure).

Fadlan hoos kaga bogo kooxda Raid iska leh lacagaha ay shaaca ka qaadeen inuu mudo 22-maalmood soo xareeyay:

Todobaadka kowaad – 63.05 Crore

Todobaadka labaad – 27.06 Crore

Todobaadka sedexaad – 9.60 Crore

Jimco afaraad – 43 Lakh

Wadarta Guud – 100.14 Crore (Producer Figure)

Farqiga  U Dhaxeeyo Shabakada BOI (Trade Figure) Iyo Kooxda Iska Leh (Producer Figure):

Shabakada BOI lacagaha ay baahineyso inuu Raid keenay iyo lacagaha kooxda iska leh filimkaan baahinayaan waxaa u dhaxeeyo farqi 6.06 Crore oo ay badan yihiin kooxda filimkaan iska leh.

Shabakada Filimside Iyo Nidaamka Lacagaha La Baahiyo Midka Ay Adeegsato:

Balse shabakada Filimside marwalbo waxay adeegsataa lacagaha ay baahiso shabakada BOI madaama ay tahay shabakad madax banaan inta badana kooxaha filimada iska leh lacagaha ay baahiyaan kuwo ka bad badis ah oo ay lacago dheeri ah ku daraan ayagoo u jeedooyin gaar ah ka leh.

2 Comments

  1. ilee intee ku istaagi karaa filimkan ganacsigiisa cimri ahaan tiisa qiyaas ahhaan lacaga boi shaaciso.

    • Qiyaasta BOI waxay leedahay 100 Crore uu ka gaabin doonaa balse waa macquul inuu gaaro hadii si waali ah uu sare u kac u sameeyo sabti iyo axad laakiin sida guud 98 Crore ilaa 99 Crore inuu ku ekaado ayay u badan tahay.

Comments are closed.