Superstar Ajay Devgn marar kala duwan wuxuu sheegay in wiilkiisa Yog laga yaabo inuu atoore noqdo haddii uu jecel yahay balse gabadhiisa weyn Nysa atirisho noqon doonin waa sida uu isaga jecel yahay wuxuu la rabaa gabadhiisa xirfad kale inay yeelato.

Balse haatan Nysa Devgn rabitaankeeda gaarka ah ayay banaanka soo dhigtay waxayna sheegtay marka ay waxbarashada dhameesato inay atirisho noqon doonto ama Bollywood-ka soo gali doonto ayadoo haatan dalka Singapore wax ka barato.

Nysa waxay sheegtay inay jeclaan laheyd Bollywood-ka kusoo biirto sidoo kalena maqaam sare gaarto sida labadeeda waalid oo kale Ajay iyo Kajol waxayna gabadhan ka dhawaajisay in aabaheed iyo hooyadeed garab ku siin doontaan riyadeeda ku aadan inay fanka Hindiya soo gasho.

Nysa waa 16-jir sidoo kalena hooyadeed Kajol dhawaan waxay warbaahinta u sheegtay in gabadheeda weli yar tahay balse ku tixgalin doonaa go’aan walbo oo ay qaadato kuna aadan mustaqbalka xirfada ay yeelan doonto balse Kajol waxay xustay in gabadheeda saxaafada ku mashquulin madaama ay ku jirto xili wax barasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here