Superstar Ajay Devgn waqti dahabi ah ayuu bartanka kaga jiraa madaama filimkiisa weyn Tanhaji Super Hit weyn noqday sidoo kalena weli ganacsi waali ah sameenayo sidoo kalena Devgn maanta wuxuu si rasmi ah duubis ugu bilaabay filimka lagu tilmaamay midka ugu weyn ee Hindiya la imaan doonaan mid kale ma ahan waa mashruuca sia hordhaca ah loogu yeero RRR.

Ajay Devgn goobta duubista filimka RRR waxaa kusoo dhaweeyay Director SS Rajamouli waxaana xusid mudan in jadwalka qeyb ka yihiin labada Superstar ee filimkan hogaamiyaasha ka ah Jr. NTR iyo Ram Charan sidoo kalena shaqada maanta bilaabatay waa jadwalka ugu muhiimsan wuxuuna socon doonaa mudo 25-maalmood duubistan.

Ajay Devgn, Ram Charan, NTR iyo Director Rajamouli waxay ku wada sugan yihiin Hyderabad gaar ahaan istuudaha caanka ah Rajamouli City oo halkaas laga dhisay goob u gaar ah filimkan taariikhiga ah kana hadlaayo gumeysigii Ingiriiska ku hayeen Hindiya xiligii 1920-maadkii ayadoo NTR iyo Ram Charan labo halgamaa jilayaan halka Ajay Devgn uu garab weyn siin doono.

Filimka RRR sidoo kale Alia Bhatt ayaa atirisho kowaad ah waxaana la sheegay in mashruucan daawashadiisa lagu beegi doono bisha October ee dabyaaqada sanadkan halka markii hore qorshaha ahaa in la daawado 30 July 2020 waana arin farxad ah in mashruucan weyn dib u dhac xoogan daawashadiisa ku imaanin madaama dhawaan la sheegay in sanadka dambe 2021 filimkan la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here