Bollywood Action Hero Ajay Devgn shalah iyo maanta iyo waliba daraad hadal heyn weyn ayuu dhaliyay maadama loosoo bandhigay goos gooska Filimkiisa 100-aad ee Tanhaji kaaso si weyn loo wada sugaayey.

Tanhaji waa Filim taariikhi ah oo Ajay ay la jilayaan Saif Ali Khan iyo xaaskiisa Kajol waxaana la daawan doonaa 10 Janaayo 2020 waana Filim dagaal ah hadaba goobta goos gooska Filimkaan lagu soo bandhigaayey waxaa ka dhacay kaftan iyo sheekooyin badan shaaca laga qaaday.

Inkastoo Kajol ka maqneed hadana Ajay ayaa ahaa madadaaliyaha goobta waxuu weerar ku qaadaayey Saif oo uu lahaa Taimur iiga waran suu yahay Saif qosol ayuu ka bixiwaayey markii wiilkiisa Taimur meesha lagu xusay saxaafadii ayaa iyagana qosol camirteen.

Dhanka kale Ajau waxaa la weydiiyay wada shaqeynta isaga iyo xaaskiisa Kajol mudo dheer kadib ay shaashada kasoo wada muuqdeen waxuuna sheegay in wax culeys ah jirin bal ee sahlantay inuu Kajol la shaqeyo sida ay guriga ugi ciyaaraan ayee goobta Filimkina ugu ciyaaraan ayuu xidigaan sheegay.

Waxuu yiri isagoo Kajol la hadlaayo,”Filim walbo inaan iyada la sameeyo waan iska jeclahay sababto ah waxaan dareemaa farxad badsn iyo kalsooni badan waxaan u fara ciyaarnaa oo isku foodeena sida anaga oo guriga joogno oo kale markaa Filim duubeyno sababtana waa isfaham iyo kalsooni naga dhaxeyso.”

Devgn aya sheegay inuu Kajol nafta u keeno maalin walba oo uu la fara cayaaro markee guriga joogaan si lamid ahna markee Filim duubayaan waliba dadka hortoodo iskumid ayeena iitahay ayuu dhahay guriga iyo goobta Filim duubista meeshee ahaataba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here