Superstar Ajay Devgn wuxuu marwalbo kaalin ka qaataa caawinta dowlada Hindiya iyo shacabka dhibaatada u nugul xiliga bandowga lagu jiro ee la dagaalamo Coronavirus-ka haatana talaabo kale oo naxariis ku dheehan siweyna loo hadal haayo ayuu halyeegan qaaday.

Waxaa si rasmi ah loo ogaaday in Ajay iyo kooxdiisa la shaqeyso haatan caawinayaan 700 qoys oo dan daran ayagoo si joogto ah raashiin ay quutaan u siiyaan sidoo kalena waxay ka war hayaan naadafa iyo caafimaadka qoysaskaas ku nool xaafada carshaanta u badan Dharavi ee Mumbai ka tirsan waana meel dadka aad ugu badan oo u nugul Coronavirus-ka inuu ku faafo.

Talaabada Ajay iyo kooxdiisa ku caawinayaan dadka Dharavi ku nool siweyn waxaa usoo dhaweeyeen dowlada Hindiya gaar ahaan maamulka gobolka Maharashtra iyo booliska Mumbai madaama Ajay iskiis isku xil qaamay inuu dadka taakta daran caawiyo xiligan adag ee lagu jiro ma heli karaan qoysaskan meel ay nolol maal meed ka dhacsadaan.

Xaafada Dharavi oo kaliya waxaa laga helay 1145 kiis oo Coronavirus ah sidoo kalena kiisaska maalin walbo sare ayay u kacayaan waana sababta keentay Ajay inuu qolyaha caafimaadka ka shaqeeyo garab istaago kuna wareejiyo qalab iyo agabyo kala duwan oo nadaafada iyo caafimaadka wax looga qabanaayo.

Ajay wanaaga iyo naxariista uu sameeyay dad badan ayuu qalbiyadooda ku kasbaday waxaana siweyn loogu amaanayaa looguna mahad celinayaa baraha bulshada, TV-yada iyo dhamaan warbaahinta Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here