Home » Nolosha Jilaayaasha » Ajay Devgn iyo Madhuri oo qoysaskooda waqti la qaadanayaan kadib markii duubista Total Dhamaal ku daaleen

Ajay Devgn iyo Madhuri oo qoysaskooda waqti la qaadanayaan kadib markii duubista Total Dhamaal ku daaleen

Labada Superstar Ajay Devgn iyo Madhuri Dixit ayaa dhawaanahan duubayaan filimka Total Dhamaal ee uu ruug cadaa Anil Kapoor ku wehliyo.

Hadaba Ajay iyo Madhuri ayaa ka nasteen shaqada duubista Total Dhamaal maal maha sabtiga iyo axada si ay qoysaskooda waqti ula qaataan.

ajay

Madhuri Dixit  ayaa maqaayada caanka ah Yauatcha, ee xaafada Bandra ku taalo waqti kula qaadatay seygeeda Sriram Madhav Nene iyo caruurteeda si ay shaqada adag kaga nasato.

kajol

Sidoo kale Ajay Devgn isagana wuxuu waqti la qaatay xaaskiisa Kajol iyo labadooda caruur Nysa Devgn iyo Yug Devgn xili ay banaanka kusoo wada cunteeyeen.

Filimka Total Dhamaal waxaa la daawan doonaa 7 December 2018 sidoo kale Arshad Warsi iyo Reteish Deshmukh ayaa wax ka jilayaan waxaana Director ka ah Indra Kumar.