Home » . » Ajay Devgn Iyo Tamannaah Bhatia Oo Mar Kale Ka Wada Shaqeyn Doona Filim Remake Ah Ka Dib Himmatwala

Ajay Devgn Iyo Tamannaah Bhatia Oo Mar Kale Ka Wada Shaqeyn Doona Filim Remake Ah Ka Dib Himmatwala

Super Star Ajay Devgn iyo atariishada Tamannaah Bhatia ayaa mar kale mashruuc kale ka wada shaqeyn doona ka dib filimkooda Himmatwala.

Ajay iyo Tamannaah ayaa sidoo kale mar kale ku midoobi doonan filim dib u sameyn ah ama Remake ah waana filimka Ajay maal giliyaha ka yahay ee hori idinla wadaagnay halka hogaamiye ka yihiin Sanjay Dutt, iyo Farhan Akhtar.

Sida aan idinla wadaagnay filimkaan sheeko ahaan waxaa laga soo min guurin doona filimka National Award ku guuleestay ee Jigarthanda Tamannaah ayaa filimkaan jaceyl kula wadaagi doonta Farhan Akhtar.

Filimkaan waxaa director ka noqan doona Nishikant Kamat, oo hori Ajay Devgn ugu sameeyay filimka Remake ahaa  Drishyam oo sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Malayalam ee Dryusham.

Dhinaca shaqada Ajay Devgn filimkiisa xiga waa filimka Rajkumar Gupta iska leeyahay ee Raid oo isla jilaayaan Ileana D’cruz sida qorshaha yahay waxaa la daawan doona March 16, 2018.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *