Superstar Ajay Devgn iyo marwadiisa la wada jecel yahay Kajol Devgn fanka Hindiya maqaam sare ayay ka gaareen ku dhawaad 30-sano ayay ku jiraan waxayna ku guuleesteen bilado badan sidoo kalena aflaantooda inta badan waa kuwa guusha u saaxiib ah.

Lamaanahan awooda badan waxay is guursadeen sanadii 1999 waxaana u joogaan gabbar lagu magacaabo Nysa iyo wiil la dhaho Yug waxayna si joogto ah kaga soo muuqdaan aflaanta Bollywood-ka sidoo kalena waxay leeyihiin shirkad filimada maal galiso.

Haddaba waxaan idiin heynaa warbixin ka hadleyso Kajol iyo seygeeda Ajay daqliga soo galo, hantida guud ay heestaan iyo macluumaad kale oo xiiso badan oo laamahan caanka ah u gaar ah iyo sidoo kale labadooda midkii daqli badan ama hanti badan.

Kajol Devgn daqligeeda & hantida ay heesato: sida ay shirkada caanka ah Forbes shaaca ka qaaday Kajol daqli ahaan waxay kasbatay 18 Crore ($2.40m) sanadkii hore ayay lacagtaan soo gashay wuxuuna daqligan kasoo galay filimada ay sameesay iyo xayeysiimaha kala duwan oo ay kasoo muuqato. Hantida guud ay Kajol heesato waxaa lagu sheegay inay tahay $16m (125 Crore).

Ajay Devgn daqligiisa & hantida uu heesto: sida ay shaaca ka qaaday shirkada Forbes sanadkii hore Ranveer Singh daqli ahaan waxaa soo galay 120 Crore ($15.90m) wuxuuna daqligan adag ka kasbaday dhanka filim sameynta, maal galinta iyo xayeysiimaha kala duwan uu sameeyo una dheer tahay. Hantida guud uu Ajay Devgn heesto sida diiwaan gashay sanadkan 2020 waxaa lagu sheegay inay $50m ($380 Crore) gaareyso.

Hantida ay heestaan Kajol Devgn & seygeeda Ajay Devgn: Lamaanahan caanka ah sidoo kalena awooda badan wadar ahaan hantidooda waxay gaareysaa $66m (500 Crore) waxaana lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin kuwa ugu caansan uguna taajirsan Bollywood-ka ee nolol dhab ah ka dhaxeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here