Director Luv Ranjan sanadkii hore wuxuu ku dhawaaqay filim weyn inay wada sameyn doonaan Ajay Devgn iyo Ranbir Kapoor lana daawan doono Christmas 2020 sidoo kalena dhawaan mashruucan waxaa la sheegay in Deepika Padukone lagu soo daray.

Balse haatan warbaahinta Hindiya ayaa hadal heyso in Superstar Ajay Devgn filimkan weyn isaga baxay kadib markii duubista mashruucan aan maga loo bixin dib loo dhigay waana sababta keentay Ajay inuu isaga baxo madaama aflaan kala duwan qorshaha ugu jiraan inuu sameeyo.

Marka hore waxaa lagu balamay in filimkan duubistiisa bilaabato dabyaaqada sanadkan balse Ranbir Kapoor ayaa dalbaday in Maarso 2020 duubistiisa la bilaabo madaama uu rabo inuu iska soo gaba gabeeyo duubista filimadiisa Brahmastra iyo Shamshera oo shaqo baaqi ugu tahan waxaana go’aankan la qaatay Director Luv Ranjan laakiin Ajay lagama tala galinin waana sababta keentay inuu filimkan isaga baxo.

Ajay Devgn ayaa la sheegay in dhawaan si rasmi ah uu shaaca kaga qaadi doono filimka uu Ranbir la sameyn lahaa inuu isaga baxay wuxuuna waqtigaas ku badalan doonaa sameynta filimka lagu magacaabo Chanakya ee uu Director ka yahay Neeraj Pandey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here