Baraha bulshada waxaa siweyn loogu faafiyay warar ku aadan in Superstar Ajay Devgn qoyskiisa dhibaato cusub lasoo korortay kuna aadan in caabuqa halista badan Coronavirus ku dhacay xaaskiisa Kajol Devgn oo ah atirisho caan ah iyo gabadhiisa Nysa Devgn sheekadana meel walbo ayaa lagu hadal haayay.

Balse ugu dambeyntii Ajay Devgn ayaa arinkan si rasmi ah u beeniyay wuxuuna baraha bulshada soo dhigay qoraalkan “Waad ku mahadsantihiin weydintiina. Kajol & Nysa hubanti ahaan wey wanaagsan yihiin. Xanta meelaha la wareejinaayay ee ku aadan caafimaadkooda waa mid aan sal laheyn, run ahayn iyo arin aanan jirin.”

Ajay Devgn gabadhiisa curada ah Nysa Degvgn dhawaan waxay kasoo laabatay dalka Singapore oo ay wax ka barato waxaana la qoray gabadhan ayadoo COVID – 19 qabto inay gudaha Hindiya kusoo laabatay kadib isbitaal la geeyay waxaana xigtay in hooyadeed Kajol si deg deg ah ku booqatay iyadana caabuqan halista badan asiibay balse sheekadan gabi ahaanba waxaa si adag u beeniyay Ajay Devgn oo ka xun wararka beenta ah ee qoyskiisa laga faafiyay.

Ajay Devgn, Kajol iyo labadooda caruur Nysa iyo Yog ayaa ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee guryahooda baaqiga ku ah tan iyo markii dowlada Hindiya badow 21-maalmood soconaayo ku dhawaaqday si dadka isku socodkooda loo yareeyo loogana hartago faafista Coronavirus oo dunida dhibaato xoogan ku haayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here