Waxaa shalay geeriyooday Filimsameye caan ah oo lagu magacaabo Nishikant Kama too sameeyay aflaam caan ah sida Drishyam, R        ocky Handsome, Force, Madaari, Mumbai Meri Jaan iyo kuwa kale waxu ahaa Fiimsameye sheekooyinka qiyaanada ku fiican ugu dambeyan shalay ayuu tagay.

5-jir ayuu ahaa mudadii 2-sano udambeysayna wuu xanuunsana oo dhanka beerka ayaa laga hayey daawooyina wey usocdeen ugu dambeyn shalay ayuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalo magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya inkastoo geeridiisa markii hore shaki galay oo Riteish Deshmukh ayaa ku doodayinuu noolyahay hadana daqiiqado kadib si rasmi ah ayaa isla shalay loo shaaciyay geeridiisa.

Hadaba Ajay Devgn oo Filimsameyahan lasoo shaqeeyay ayaa isla daqiiqadii geeridiisa la sheegay baraha bulshada kaga tacsiyooday waxuuna yiri,”kaliya Drishyam nagama dhaxeynin aniga Nishikant ee waxuu ii ahaa walaal aan tusaale ka dhigto marnaba ma ilaawi doono dhoolacadeyntiisa quruxda badneed iyo shaqo adeegiisa xii hore ayuu naga tagay waxaan u tacsiyoonaya dhamaan ehelka uu ka tagay.”

Drishyam ayuu Director ka ahaa waxaana mashruucan hogaamiyay Ajay Devgn oo ay Tabu la xifaaltantay waxuuna ahaa mashruuc qiyaano ah oo daawashadiisa ilaa maanta la jecel yahay waliba waa filimka ugu sheekada fiican ee Ajay Devgn sameeyay qiimeynta IMDB waxuu ka heesta 8.2/10 filimada Ajay isaga ugu horeeyo sheeko ahaan dhanka xidigaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here