Home » Box Office » Ajay Devgn oo kaashanayo Anil Kapoor iyo Madhuri wuxuu doonayaa Diwali 2018 inuu Aamir Khan daan daansado!

Ajay Devgn oo kaashanayo Anil Kapoor iyo Madhuri wuxuu doonayaa Diwali 2018 inuu Aamir Khan daan daansado!

Feestada Diwali 2017 ee ugu dambeesay Ajay Devgn wuxuu la yimid filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Golmaal Again asigoo guusha ka qaatay filimka iska yar Secret Superstar ee Aamir Khan muuqaal marti ah oo la fidiyay ku lahaa sidoo kalena soo saare ka ahaa.

Balse sheeko midaas ka weyn ayaa hada soo socoto madaama Ajay Devgn oo kaashanayo Anil Kapoor iyo Madhuri Dixit doonayaan filimkooda Total Dhamaal in la daawadno feestada Diwali 2018 oo ku beegan 7 November 2018.

Diwali 2018 waxaa horey usii calaameestay Aamir Khan oo wato filimka weyn Thugs Of Hinduston oo ay la jilayaan Amitabh Bachchan iyo Katrina Kaif.

Director Indra Kumar oo ka hadlaayay hamiga la qabo taxanaha Dhamaal iyo qaybtiisa sedexaad Total Dhamaal wuxuu yiri “iska hilmaan labadii dhamaal waxaa ka shactiro badan Total Dhamaal oo aan dooneyno in Diwali 2018 la daawado”

“Total Dhamaal waa mashruuc ka weyn labadiisii qeybood ee hore madaama Riteish Deshmukh, Arshad Warsi, Aashish Chaudhary iyo Jaaved Jaaferi shactirada gaar u ahayn filimkaan waxaan kusoo darnay Ajay Devgn, Anil Kapoor iyo Madhuri Dixit sidaa darteed kani waa Dhamaal-kii ugu shactirada badnaa”

Filimka Total Dhamaal waxaa duubis lagu bilaabi doonaa bisha December ee nagu soo fool leh ayadoo Ajay hogaamiyaha ka mid yahay wuxuuna waqti ahaan duubista mashruucaan galin doonaa 45-maalmood asigoo 40 Crore lacag ah ku qaadan doono.

Waa arin xiiso badan in Ajay Devgn markaan doonayo inuu si toos ah Boxoffice-ka ula dagaalamo Aamir Khan oo inta badan xiliyada feestada marka uu la yimaado filim weyn hogaamiye ka yahay goobta loo baneeyo ilaa sedex todobaad filim kale tiyaatarada kusoo dhiiran karin!