Superstae Ajay Devgn waa atoore kusoo raaxeestay maqaamkiisa fanka hindiya wax dhib ahna aan la kulmin waayihiisa fanka hindiya marka laga reebo bilawgiisi howshaan oo uu hal caqabad la kulmay balse maanta waa mid kamid ah 6-da Superstars ee shirkadaan ka shaqeyaan midaas ayaaba maqaam ugu filan halyeygan.

Sanadkii 1991 Bollywoodka waxaa soo galay atoorw dagaal yahan ah fudeed badana leh waana Ajay Devgn dadka layaab ayee ku noqotay wiil aan qurux sidaa ah leheen in filim weyn hogaamiye looga dhigo filimkaaso ah Phool Aur Kaante.

Ajay Devgn

Inkastoo Phool Aur Kaante Super Hit weyn noqday daawadayaasha xiligaas jireen iyo saxaafadii Ajay ayee daba dhigteen waxayna lahaayen Ajay Bollywoodka masii joogi doono maadama uu yahay mid aan qurux leheen iyo soo jiidasho kuwa qaar ayaaba ku baaqeen in Ajay wax shaqo kale ah aan laga siinin shirkadaan.

Dhibka xiligaas jiray waxuu ahaa atooraha haduusan qurux badneen ama soo jiidasho xitaa laheen in daawadayaasha iska diidi jireen waxaana sidaas lagu waayey atoorayaal badan 90-kii soo caan baxeen.

Ajay Devgn

Balse Ajay waxuu noqday atooraha kaliya ee shacab weynaha India quruxdiisa kusoo jiidan waayey balse qaab jiliinkiisa iyo aflaamtiisa xiisaha leh kusoo jiitay wuu tashtay ninka ileen waa loo tashtaye.

Devgn filimo badan oo Big Hits noqdeen ayuu isdaba saaray ilaa ay ceeboobeen dadkii shalay lahaa Ajay waa fool xunyahay inee hadana maanta dhahaan waa Superstar waxaa xusid mudan maanta oo 2019 ah in Ajay kamid yahay atoorayaasha ugu soo jiidashada badan Bollywoodka 50 jirba ha ahaade.

Ajay mar wax laga weydiiyay dadkii sidaas ku foodeen jireen iyo maqaamkiisa Superstar-nimo waxuu yiri,”dooqa dad weynaha sidaa ku noqoto wey adagtahay dadkana fikirkooda ayee xiligaas ka hadleen anigana wax dhib ah kuma qabin kaliya shaqadeyds ayaa diirada saarayey.”

“Mida ah Superstar-nimo midaas waligey iskuma mashquulin horta aan mid idiin sheego aabahay (Veeru Devgn) halmid ayuu igula tallin jiray waligiis taaso ah inaa shaqadeyda daacad u noqdo una hagar baxo waana u noqday ilaa dadkii shalay i aflagaadeynayeen isla afkooda igu ammaaneen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here