Ajay Devgn iyo Shirkada Aditya Chopra ee Yash Raj Films ayaa sanooyin dhowr ah wadashaqeyn. Laakiin, waxay umuuqataa in labadaan Magac ee saameynta kuleh Bollywoodka ay diyaar u yihiin inay iska daayaan wixii tagay ayna go aansadeen inay wada shaqeeyaan.

Sannadkan ayaa astaan ​​u ah 50 sano oo Shirkada Yash Raj Films jirto isla markaana waxee diyaar u yahiin inee ka weynaadaan sidii ay waligood ugu jirtay iskudhacyada actorada qaar mashaariicda soo socda ayaana beenin doona waxwalba.

Ajay Devgn ayaa saxiixday mashruuc markii uhoreesay taariikhda’ oo uu la wado Yash Raj Films Si kastaba ha noqotee, haddii warbixinnada la rumeeyo ka dib Ajay Devgn iyo Aditya Chopra waxay ku tilmaameen dad hormar diyaar u ah rabaana inay ka shaqeeyaan mashruuc markii ugu horreysay 29 sano kadib .

Waxay u muuqdeen inay wadahadalo ku jireen sanadkii la soo dhaafay kaasoo ku saabsan mashruuc ay bilaabeen inay ugu dambayntii meelmariyaan. Filimka waxaa jiheyn doona wiilka uu dhalay Rahul Rawail, Shiv Rawail kaasoo bdnaa kahoos shaqeeya YRF. Taas waxaa dheer, waxaa jiray warbixino sheegaya in Akshay Kumar loo tixgalinayo mashruucan laakiin waxaa la sheegayaa in Ajay uu had iyo jeer ahaa dooqa koowaad. Jilaaga iyo guriga wax soo saarka YRF midkoodna ma xaqiijin warka sidaas darteedna faahfaahin dheeraad ah oo laxiriirta mashruuca lama sugayo.

Marka taa laga reebo, Ajay Devgn wuxuu hayaa dhowr mashruuc sida Maidaan, Golmaal 5, Singham 3, RRR iyo Kaithi Remake. Waxaa sidoo kale lagu arki doonaa Filmka Akshay Kumar ee Sooryavanshi. Filimkiisa xiga, Bhuj: The Pride Of India, wuxuu ku sii deyn doonaa OTT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here