Irrfan Khan kaliya ma aheen Indian Star ee sido kale waxuu ahaa International star oo shirkada Hollywoodka ayuu qeyb ka ahaa xidigaan waxuuna maqaamkaas ku gaaray qaab jiliinkiisa oo daafaha caalamka soo dhaweyeen.

Hubaal ahaantiina Fanka Hindiya nin ay ku faani jireen ayaa maanta ka geeriyooday waliba xilo hore ayuu dhintay balse waqtigiisa ayaa intaas ku ekaa murugada ugu weyna waqtigaan waxaa daremayaan ehelkiisa si gaar ahaan xaaskiisa iyo labadiisa wiil uu aduunka kaga tagay.

Waxaan horey idiin kula wadaagnay qaar kamid ah jilayaasha oo baraha bulshada kaga tacsiyoodeen geerida Irrfan Khan hadaba kuwa kale ayaa daqiiqado kahor sido kale ka tacsiyoodeen hoos kaga bogo jilayaasha cusub:

Ajay Devgn: war naxdin leh ayaa isoo gaaray kuna saabsan geerida Irrfan Khan shaki kuma jiro fanka hindiya inee waayeen maanta halyeey weyn waxaan u tacsiyeenayaa xaaskiisa iyo labadiisa wiil.

Priyanka Chopra: qaab jiliinkaada dahabiga ahaa ee aad shaashada kusoo bandhigtay sideen ku ilaawnaa, waxaad soo kicisay oo kugu daydeen jiil badan oo inaga mid ah dhab ahaantii waan ku tabi doonaa waxaan u tacsiyeena dhamaan qoyska Irrfan Khan.

Anushka Sharma: RIP Irrfan Khan.

Athiya Shetty: RIP Irrfan Khan.

Karan Johar: waad ku mahadsantahay Filimada quruxda badan ee xusuus ahaan aad inooga tagtay, waad ku mahadsantahay inaad tusaael dhanka jiliinka ah u noqotay jiilalka cusub iyo kuwa dambe, waad ku mahadsantahay inaad ka qeyb qaadatay sare ukaca fanka hindiya meel wanaagsana aad gaarsiisay waan kuu xiisi doonaa marwalba laakiin qalbiyedan kama fogaan doontid waan kuu sare kacnay dhamaanteen Irrfan Khan.

Farhan Akhtar: dhab ahaantii Irrfan waxuu ahaa jilaa dahabi ah waxqabadkiisa shaashadana waa mid waligeed la xusi doono RIP Irrfan Khan.

Manisha Koirala: waan kanaxay geerida kutimid saaxiibkey Irrfan Khan waxuu ahaa qof xushmad weyn aan u hayey ku dayashona mudnaa in badan RIP Irrfan Khan.

Tusshar Kapoor: RIP mudane Irrfan Khan waad naga tagtay balse shaqadaada waligeed wey nala joogi doontaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here