Filim sameeyaha caanka ah Indra Kumar sanadkii hore 2019 wuxuu Bollywood-ka ku qabsaday filimkii shactirada badnaa ee hirgalay Total Dhamaal kaasi oo 150 Crore ka badan soo xareeyay sidoo kalena Big HIT noqday waxaana hogaamiyaasha filimkan qayb ka ahaa Superstar Ajay Devgn.

Haatan Indra Kumar wuxuu soo bandhigay warbixin ku aadan filimkiisa xiga oo hogaamiye iyo soo saare ka yahay Ajay Devgn sidoo kalena waxaa mashruucan ku wehliyaan Sidharth Malhotra iyo Rakul Preet Singh sidoo kalena shirkada T-Series ayaa mashruucan Action-ka iyo shactirada isku jiro ah wax ka maal galineyso.

Madaama shaqada filimkan dhawaan bilaaban doono waxaa loo diiwan galiyay magaciisa rasmiga ah oo ah Thank God waxaana magacan saxaafada la wadaagtay atirishada Rakul Pureet Singh xili la wareesanayay waxaana sidoo kale la ogaaday in Ajay iyo Sidharth filimkan ku jilayaan labo tuugo ah balse qalbi wanaagsan oo marwalbo dadka caawinayaan.

Qorshaha wuxuu ahaa filimka Thank God duubis in lagu bilaabo 10-ka bisha April ee nagu soo fool leh balse waxay sheegtay Rakul madaama Coronvirus saameyn xoogan ku yeeshay dhamaan howlaha filim jilista in mashruucan shaqadiisa dib u dhacday oo xagaaga nagu soo fool leh laga hawl gali doono waxaana la qorsheenayaa xagaaga dambe 2021 in la daawado filimkan.

Atirishada Rakul Pureet Singh sidoo kale waxay gacanta ku heesataa labo filim kale oo Bollywood ah waxayna kala yihiin filimka Attack oo ay John Abraham la sameeneyso iyo filim aan magac loo bixinin oo ay Arjun Kapoor la jileyso waxaana soo saare ka ah John Abraham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here