Filimka weyn RRR waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in 8 Jan 2021 la daawan doono waxaana hogaamiyaal ka ah Ram Charan iyo Jr. NTR halka Superstar Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin waxaana Director SS Rajamouli oo ku caan baxay Bahubali labadiisa qeybood.

Haddaba waxaa la sheegay in Ajay Devgn filimkan sameyntiisa wax lacag ah ku qaadaneyn waxaana la sheegay in Ajay iyo Director Rajamouli saaxiibo dhow yihiin sidoo kalena Devgn diiday mashruucan muuqaalka muhiimka ah uu ku yeelanayo inuu wax lacag ah ku qaato weliba la sheegay Director Rajamouli wuxuu Ajay u bandhigay inuu sameynta filimkan ku qaato 35 Crore ilaa 40 Crore lacag u dhaxeyso oo u dhiganto $4.91m ilaa $5.16m.

Ajay waxaa la sheegay inuu Rajamouli aad u tixgaliyo waxayna si fiican isku barteen sanadii 2012 markii Devgn uu qaybta Af Hindiga u codeeyay filimkii Eega ama Makhi oo Rajamouli iska lahaa kaasi oo Blockbuster weyn noqday wixii markaas ka dambeeyay dad isku dhow ayay noqdeen.

Balse qaar ka mid ah warbaahinta Koonfur Hindiya ee filimkan dhaq dhaqaaqiisa ka war qabaan waxay sheegeen in Ay Ajay Devgn faa’iidada mashruucan laga helo wax weyn laga siin doono madaama uu diiday lacag kaash ah inuu qaato kooxda filimkaana wey kaga mahad celiyeen madaama miisaaniyada mashruucan cirka sii gali laheyd haddii Devgn lacag toos ah la siin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here